Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Cadaalad Bulshada Dhexdeeda Ah (Qaybtii 73aad) Qore : Maxamed Xoosh

Sidii loo asaasay somaliland kolba talaabo ayaa hore loo qaadaayay marxalad kasta oo la soo marayay waxay lahayd  waayaheeda iyo duruufteeda iyada u gaarka ah, waxaana waajahayay kolba hogaanka xiligaa la doortay

Dhisitaanka dawladnimada casriga ah wuxuu hirgalay xiligii Maxamed X Ibraahim Cigaal “C/raxmaan Tuur muu yaraysan se wakhtigaa ku adkaa”

Waxa la suurtagaliyay Ciidamo Qaran  ama Hay’ad ilaalisa xuduudaha dalka una taagan wadaniyada Somaliland oo ka madax banaan Siyaasadda iyo hawlaha madaniga ah

Sidoo waxa la suurto galiyay Bilays ama Hay’ad ka shaqaysa amaanka gudaha dalka iyo fidinta sharciga lagu kala hagi lahaa dadweynaha gudaha degan SIRDOON ku amaanan ka warhaynta dhaqdhaqaaqa gudaha iyo dibeda dalka oo looga markhaati kacay

Waxa la suurta galiyay Garsoor madaxbanaan oo kolba la socday horumarka dalka iyo waayihiisa kuna shaqeeya inta itaalkii kala saarida shacabka khilaafku ka dhextaagan yahay

Markay halkaa marayso maxaa Madaxweyne Muuse Biixi looga baahan yahay ? isagoo ka warhayaa

Ma jirto dawlad socota cashuur la’aan sidoo kale ma jirto dawlad suuqeedu iska furan yahay oo ninkii doonaa siduu doono ka yeelo “Sideena oo kale”

Dawladaha ugu xoriyaadka badan ee hantigoosadka ah sida maraykanka cashuurta laga qaado hantiilayaashu waa arinkay ku dhisan tahay dawladnimadoodu

Somaliland ku dhawaad 75% waa dhaliyaro iyo caruur sanad walba waxa suuqa shaqada soo gala tobanaan kun oo shaqo aan loo hayn iyo ku dhawaad HAL MALYUUN oo hore u fadhiyay

Ku dar inta badan qoysaska dalka degan waa danyar HALKU DHIGII KULMIYE WAXAA KA MIDA AHAA WAA IN DADKA LA ISKU HAYO oo macnaheedu tahay inaan inyar wax walba haysan inta badanina baahi iyo daryeel la,aani ku dhicin.

Waxa u dawo ah QAYBSANAANTA IYO QABYAALADA BADAN ee sii fidaysa dawlad ka wax haystana ka qaada wixii dalku ku lahaa ka cabbanayanna daryeesha Markaa waxa soo baxaaya dawlad muwaadiniintu siman yihiin ka wax ku waayaa uu qanacsan yahay in cadaaladu mar soo gaadhi doonto

Fiiro gaar ah: Shirkadaha hal abuurka ganacsi leh waa in la taageeraa balse Cashuur lagu daryeelo dawlada iyo dalka laga qaadaa waa miisaan u baahan fahan dheeraad ah iyo dhaqanka soomaaliyeed oo la waafajiyo waa arinka diintu ina farayso.

Alle Mahad Leh

 

Maxamed Xoosh

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker