Xisbiga Samadoon Waa Rajada Soomaaliya qore Zakariye cawad
Xisbigan waa SAMADOON oo dhawaan ka mid noqday xisbiyadii dalka laga diiwaan galiyay doorashadda 2020, gudoomiyihiisuna waa Prof. C/nuur maxamed yuusuf, hadii inyar idinka ifiimiyo Xisbiga bahweynta SAMADOON waa xisbi Qaran oo mug iyo miisaanba leh, wuxuu yahay Xisbi salka ku haya sooyaalka iyo raad raaca taariikhda halgankii shacabka soomaaliya, wuxuu yahay Xisbi ku gaashaaman aqoon, karti iyo hal iyo horumar iyo wanaag iyo adaygnimo.
Wuxuu yahay Xisbi khibrad u leh habka doblumaasiyadda iyo siyaasadda aduunka maanta ka jirta, wuxuu yahay Xisbi leh xeer iyo nidaam uu ku dhaqmo, oo dhaqan u lahaa is tix gelin, talo wadaag iyo isu tanaasul. Xisbiga SAMADOON waa xisbi hoggaan iyo hab maamul oo isku kalsoon oo ay hagaan hadaf iyo himilo siyaasadeed oo cad iyo shuruuc iyo kala danbayn leh, maaha xisbi la yareesan karo waayo waa bahweyn shicib.
Sida o wada ognahay in u hogaanka SAMADOON guulo fara badan kala soo hoyday gobolada dalka oo meel walba xafiis ka furtay lana taageeray si buuxda, oo bulshoweyntuna ay aad u soo dhaweesay , Prof C/nuur maxamed yuusuf waa siyaasi ruug cada oo Khibrad wayn u leh Siyaasada soomaaliya ,waana horyaalka Siyaasiyiinta Maanta guushu u dhowdahay.
Soomaaliya waxay soo martay marxalaado fara badan oo saamayn wayn ku yeelatay shacabweynaha soomaaliyeed, waaxana ila tahay dadkuna isku raaceen ninka xoriyadda aaminsan iyo horumar kuna guulaysan doono in soomaaliya qadiyadeedi ay lalahaato saaxiibo fara badan, dibna u soo celiyo karaamadii soomaaliya lahayd ,kana saaro siyaasad xumida ay maanta marayso, sugayaana codka shacabweynaha 2020,ninka albabadeeda ufarayana waa musharaxa xisbiga SAMADOON prof. C/nuur maxamed yuusuf.
Somaaliya Guul ayaan u rajeynayaa iyo is afgarad natiijadiisu tahay isbedel keena 2020. Aamiin.
Qore Zakariye cawad dhunkaal