Malleeshiyo beeleed iyo Tekniko Boqor Buurmadow Samaysytay Oo Puntland galay, Ciidammada Somaliland Oo Raacdo ugu jira, Boqorka Oo Garoowe Kasoo degaya + Shir-beeleedka Badhan Kafurmaya Iyo Khaliijka Oo Lug Kula jira.

 

 

Boossaso(OWN) wararka ka imanaya degaannada galbeedka Sanaag gaar ahaan degaanka Garabcad ee degmada Ceel-afweyn ayaa sheegaya in maalmihii innasoo dhaafay maalleeshyo beeleed watey saddex gaadiidka teknikada ah oo uu degaankaas ku ururiyey Boqor-Cismaan Aw-Maxamuud (Buurmadow) ay halkaas uga kolayaysteen shinaca Puntland kaddib markii sida lasheegay culays kaga yimid dhinaca Somaliland oo degaankaas ciidan badan la keenay, waxana wararka lagu kalsoon yahay sheegayaan in malleeshiyadaas iyo gaadiidkii ay wateen gaadheen degaanka Buraan oo ah degaannada uu ku xooggan yahay maammulka  Punrland, waxana sida lasheegayo isaguna dhexda kusii jira geel tiro badan oo uu leeyahay Boqor-Cismaan Aw-Maxamuud kaasoo loo tallaabinayo dhinaca degaannada Puntland ka taliso

 

Ciidammo isugu jira millateriga iyo boliiska Somaliland oo uu hoggaminayo sarkaal ay Boqor-Buurmadow isku jifo yihiin ayaa iyagana lasheegay inay raacdo ugu jireen sidii ay malleeshiyadaas iyo teknikadooda gacanta ugu dhigi lahaayeen balse taasi aanay u suurtogelin raacdadaas.

 

Boqor-Cismaan Aw-Maxamuud (Buurmadow) oo muddooyinkii ugu danbeeyeyba kusugnaa Imaar tka carabta ayaa isagana la filayaa maalmaha soo socda inuu kazoo degayo magaala-madaxda Puntland ee Garoowe. Waxana wararku intaas kusii darayaan inuu meesha soo galay khilaaf xooggan oo soo kala dhexgalay Boqor-Buurmadow iyo madaxda sare ee Somaliland gaat ahaan Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha gudaha, ayna meesha soo gashay kala shaki cabsi iyo is aammin la’aan xooggan oo gaadhsiisan ilaa imaaraatka in boqorku kazoo boxo iyo inuu Puntland kazoo degoba.

 

Dhinaca kalena shir weyne beeleed oo aaya-katashi ah ayaa lafilayaa inuu dhowaan ka bilaabmayo magaalada Badhan ee xuddunta u ah degaannada Sanaag-bari oo ah degaannada ugu ballaadhan ee beelaha Harti ee Somaliland kajirto kaddib markii bulshada degaannadaas ku dhaqani dhowaan si cad ugasoo horjeesteen Somaliland iyadoo ciidammo tiro badan oo degaannadaas kusugnaa iyo saraakiishoodii xukumayseyba kagoosteen Somaliland kuna biireen Puntland.

 

Waxana wararka oddoroska u badani saadaalinayaan inay meesha kujiri karto tallaabo xooggan oo lagagasoo hor jeedo  Somaliland islamarkaasna uu jiro xidhiidh kadhexeeya Boqor-Buurmadow, iyo Waxgaradka Beelaha Sanaag-bari ee dhowaan ka gacan taagtey Somaliland, iyo meelo kale, taasoo weliba dalal Khaliijka carabta ahina daaha danbe ugu jiraan.

 

Waxana xusid mudan inay Puntland hore ugu sugan yihiin Jabhadda uu hoggaamiyo Col-Caarre oo fadhigooduna yahay magaalada Qardho, taasoo ah Jabhad hubaysan oo si cad ugasoo horjeedda Somaliland ayna suurtagal tahay arrimahaas qaarkood inay qaybteeda ka tahay.

Oodweynenews.com/Boossaaso

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker