Seddex Nin oo dilay Macalin Dugsi iyo Dhakhtar oo dil toogasho ah lagu Xukumay

Maxkamadda degamada Dhuusomareeb ayaa xukun dil ah ku riday Seddex nin oo lagu helay inay hore u dileen macalin iyo dhaqtar lagu dilay deegaanka Ilix oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Bile Cabdullaahi Xasan ciid, Nuur Cabdi Maxamed iyo Shucayb Maxamed Faarax ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii ay ku cadaatey in ay dil bareer ah u geysteen macalin iyo dhaqtar wada-dhashey.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa qof afaraad sii daayey sida ay maxkamadddu amartay, waxaana lagu waayay ku lug lahaaasha dilkaasi.

Racfaan ayaa laga qaatay Xukunkasida ay warbaahinta dowladu sheegtay.

Lamaaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa hore gacanta ugu dhigay afartan qof oo ku eedaysan in ay dileen labo wiil oo walaalo ah oo kala ahaa dhaqtar iyo macallin dugsi kuwaas oo lagu dilay iyaga oo jiifa gurigooda deegaanka Ilix oo qiyaastii 40 km bari kaga beegan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker