Cadawga Midowga Yurub Nigel Farage Oo Taageeray Somaliland

Nigel Farage waa siyaasi si weyn uga muuqdo masraxa siyaasadeed ee Britain iyo Midowga Yurub.

Wuxuu waday olole ballaaran oo uu Ingiriiska kaga baxayo Midowga Yurub, waxaa uu ka mid yahay dadkii garwadeenka ka ahaa aftidii ka bixidda Britain ee Midowga Yurub.

Nigel Farage waxaa uu kasoo horjeeda siyaasadda reer Yurub, inkasta oo dhawaan loo doortay in uu xubin ka noqda baarlamaanka Midowga Yurub.

 

Farage wuxuu necebyahay Midowga Yurub, haddana Xisbiga cusub ee uu dhowr toddobaad ka hor sameeyay ee Brexit ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee baarlamaanka Midowga Yurub ku matali doono Britain.

Hoggaamiyihii hore ee xisbiga UKIP ayaa hadda dib ugu laabanaya magaalada Brussels si uu u sii wato ololihiisa ka dhanka ahaa midowga Yurub.

 

Waxaa uu howlihiisa siyaasadeed kusoo qaatay xarunta Midowga Yurub oo markii ugu horreysay loo doortay baarlamaanka sannadkii 1999-kii.

 

Nigel Farage ayaa horraan taageeray Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland oo uu ku ammaanay sida ay u xoojisay nabadda.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in Britain iyo dunidaba ay aqoonsdaan Jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Somaliland ayaa 18-kii bishii May ee 1991-dii, ku dhawaaqday in ay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale.

Shirar ka dhacay magaalooyinka Burco iyo Boorama oo ay ka qayb galeen wax garadka gobollada Waqooyi oo isu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada sida oday dhaqameedyada, culimada diinta, aqoonyahannada, ganacsata iyo siyaasiyiinta ayaa ku dhawaaqay go’aanka gooni isu taagga ah.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker