Kooxaha Heerka Koobaan iyo ka Labaad ee Premiere league oo Muran badani ka dhexeeyo

Kooxaha waaweyn oo ah kuwa dabada ka riixaya in la hirgeliyo mashruuca ah in garoomo dhex-dhexdhexaad ah lagu ciyaaro kulamada hadhaysan, ayaa waxay isku dayayaan inay ku qanciyaan lixda kooxood ee ugu hooseeya kala-sarraynta horyaalka si loo yareeyo saamaynta dhaqaale, loona ilaaliyo in kubadda cagta Ingiriisku aanay hoos uga dhicin fagaareyaasha Yurub.

Sida uu qoray wargeyska Mirror Sport, caqabad weyn ayaa hor taalla kulanka maanta, waxaana dhibaatadu ka imanaysaa Naadiyada hoose oo xubin ka tirsan ay wargeyska u sheegtay in fikradaha miiska yaalla ay yihiin kuwo lagu qasbayo naadiyadooda wax aan dan u ahayn.

 

 

Waxa kale oo masuulkani uu tibaaxay in ay caddaalad darro tahay oo kooxaha yaryar aanay wax faa’iido ahi ugu jirin garoomada dhex-dhexaadka ah, laakiin si cad uma sheegin waxa ay uga baqayaan in ay garoomo kale tagaan ee ay ugu dhegsan yihiin kuwooda.

Kooxaha Premier League ayaa geli doona khasaare weyn, iyaga oo waayi doona lacagihii kasoo geli jiray telefishannada oo ah ilaha dakhli ee ugu waaweyn ee ay leeyihiin, sidoo kalena waxa suurtogal ah in laga dalbadayo inay dib usoo celiyaan lacag dhan £762 milyan oo hore loo siiyey, taas oo iyaduna jab weyn oo kale ku noqonaysa.

 

 

Si kastaba, kooxaha waaweyn ayaa waxay ka cadhaysan yihiin naadiyada yaryar ee sida tooska ah u sheegay inay kasoo horjeedaan qorshahan, gaar ahaan Watford, Brighton iyo West Ham oo madaxdoodu ay warbaahinta ka naqdiyaan qorshaha dib loogu bilaabayo horyaalka ee garoomada dhexdhexaadka ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker