Donald Trump oo Hub ka Iibinaya Dawladda Sacuufiga , inkastoo ay Caqabad ku Noqdeen Xildhibaanada Xisbgi Dimuqraadiga

 

 

 

 

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa fasaxay in hub qiimihiisu yahay balaayiin doolar laga iibiyo Sucuudiga, waxaanu ku sababeeyey khatarta kaga iman karta dalka ay colaadda guunka ahi dhextaal ee Iran.

Trump wuxu adeegsaday sharci si dhif ah loo adeegsado oo heer federal ah, si uu u meel mariyo heshiiskaa hubka lagu iibinayo oo qiimihiisu yahay 8 bilyan oo doolar, oo sida caadiga ah ay tahay in uu ansixiyo Congress-ku.

Wuxu tallaabadaa u qaaday si uu u caddeeyo in xiisadda Iran iyo Sucuudiga dhex taallaa noqotay arin ah xaalad degdeg ah oo qarankiisa la soo gudboonaatay.

Talaabadaas ayaa waxay ka cadhaysiisay, dadka ka cabsi qabay in hublaa loo adeegsado rayidka.

 

Qaar ka mid ah Dimuqraadiyiinta ayaa sidoo kale Madaxweynaha ku eedeeyey in sababta uu Congress-ka u baal maray tahay in iibka hubkaas oo ay ku jiraan gantaalaha aan waxba seegin iyo bambaanooyin kale yihiin kuwo Congress-ku si adag uga soo horjoogsan lahaa.

Hubkaas ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in laga iibiyey dalalka Imaaraat-ka iyo Urdun.

Jimcihii ayaa wasiirka arimaha dibada, Mike Pompeo, waxa uu Congress-ka ku wargeliyey go’aanka maamulka ee ah in hubkaa la iibinayo. Warqad uu u qoray oo warbaahinta Maraykanku aad u tebisay ayuu ku yidhi “daandaansiga Iran” ayaa kalifaya in “si dhakhso ah looga iibiyo” hubkaa [Sucuudiga].

“Dhaqdhaqaaqa Iran ayaa halis mug le ku ah xasiloonida Bariga Dhexe iyo nabadgelyada Maraykanka ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba”. Ayuu ku yidhi qoraalka.

Laakiin talaabadaasi waxay isla markiiba ka cadhaysiisay mucaaradka. Senator ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ah, Robert Menendez, oo ka tirsan gudida arimaha dibada ayaa ku eedeeyey Trump inuu “abaal u gelayo dalal keli talis ah”.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku yidhi “wuxu mar labaad ku guul darraystay in uu danaheena nabadgelyada qaranka ee mustaqbalka fog muhiimad siiyo iyo inuu difaaco xuquuqda aadanaha”.

Go’aanka maamulka Trump wuxu soo baxay wax yar uun ka dib markii Maraykanku shaaciyey inuu xoojinayo joogitaankiisa Bariga Dhexe. Kun iyo shan boqol oo askari oo dheeraad ah iyo sidoo kale diyaaradaha dagaalka iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ayaa sida oo kale la geynayaa gobolka dhawaan.

Ku simaha wasiirka gaashaan dhigga Maraykanka, Patrick Shanan ayaa sheegay in tallaabadaa looga gol leeyahay ka hortagga “khatarta isa soo taraysa ee xoogagga Iran oo ay ka mid yihiin ciidamada ilaalada kacaanku iyo kooxaha xulufada la ahi [ku hayaan gobolka]”.

Maxaa keenay xiisaddan Iran?

Xiisadda dhex taal Maraykanka iyo Iran waxay sii korodhay bishan markii Washington sheegtay in cunoqabataynta lagu darayo dalalka weli saliidda ka iibsada Iran. Go’aankaas oo loola dan leeyahay in dhoofinta saliidda Iran lagu joojiyo si xukuumaddu u weydo dakhli uga soo xarooda isha keliya ee dakhligu ka soo galo.

Trump ayaa sannadkii hore cunaqabatayntii ku soo celiyey Iran ka dib markii uu ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee ay Iran kala saxeexdeen lixda dal ee shan ka mid ahi xubnaha joogtada ah ka yihiin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Jarmalka. Waana taas ta cirka ku sii shareertay xiisaddu.

Afar markab oo kuwa saliidda qaada ah ayaa lagu wax yeelleeyay dhacdo Imaaraadku ku sheegay weerarro curyaamin ah, sidoo kalena waxa laba goobood oo Shidaalka laga dhoofiyo oo Sucuudigu leeyahay ay fallaagad Xuutiyiinta Yemen, oo ay Iran taageertaa, ku weerareen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Waxaany taasi kalliftay in dhuumaha la xidho muddo kooban.

 

Iran way beenisay in ay ka dambaysay dhacdooyinkaa hase yeeshee Admiral Micheal Gilday oo ah madaxa taliska guud ee ciidamda Maraykanka ayaa ku eedeeyey ciidamada ilaalada kacaanka Iran in ay toos uga masuul yihiin dhacdooyinkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker