Xildhibaannada dalka Canada oo u codeeyay in jinsiyadda lagala noqdo Aung San Suu Kyi

Xildhibaannada labada aqal ee dalka Canada ayaa isku raacay in ay muwaadinimo sharafeedka kala laabtaan hoggaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi.

Meelmarinta Mawshinkan ayaa jawaab u ahaa sidii ay ugu guul darraysatay joojinta dhibaatadii loo gaystay Muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalkeeda.

Suu Kyi ayaa ku guulaysatay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize 1991-dii iyadoo ku mutaysatay dadaalkii ay ku bixisay in ay dimuqraadiyad ka dhaliso dalka Myanmar oo sidoo kale loo yaqaanno Burma – kaas oo markaas milatari xukumay.

Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay bishii hore ayay ku sheegtay in ay waajib tahay in baaritaan lagu sameeyo hoggaamiyeyaasha milatariga dalka Myanmar iyadoo la eegayo xasuuq ay u gaysteen Rohingyas.

 

Ugu yaraan 700,000 oo ruux oo Rohingya ah ayaa rabshadaha isaga firxaday 12 bilood ee la soo dhaafay.

Maamuus naadir ah

Tallaabada ay xildhibaannadu qaadeen ayaa timid maalin uun ka dib markii Ra’iisulwasaare Justin Trudeau uu sheegay in baarlamaanku uu dib u eegayo in Suu Kyi ay wali u qalanto jinsiyad maamuuseedka.

Balse Trudeau ayaa sheegay in tallaabadaas aysan soo afjaraynin mashaakilka kumannaanka ruux ee Rohingya, Muslimiintaas oo dal la’aan ku ah Myanmar oo ay aqlabiyad ka yihiin dadka aaminsan diinta Buddhism.

Sannadkii 2007 ayay Canada jinsiyad maamuuseed siisay Suu Kyi, waxayna ka mid tahay lix ruux oo arrintaas lagu maamuusay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker