Liverpool Oo Taariikh Dhigtay, Man United Oo Guuldarro Ceeb Ah Ku Soo Xidhay Xilli Ciyaareedkeeda, Arsenal Oo Guul Gaadhay & Chelsea Oo Barbaro Gashay

 

Liverpool ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee kaalinta labaad ku dhameysata horyaalka Premier League islamarkaana hesha 97 dhibcood taariikhda horyaalka Ingariiska ka dib markii ay kulankoodii ugu danbeeyay ee xilli ciyaareedka Premier League ay 2-0 ku qaarjiyeen kooxda Wolves.

 

Reds ayaa u baahneyd inay garaacdo Wolves islamarkaana Brighton ay ku dhegto Man City si ay u qaadaan markii ugu horeysay horyaalka Premier League laakiin City ayaa guul ka gaartay Brighton islamarkaana difaacatay horyaalka.

Liverpool ayaa kulankii Anfield waxa ay hogaanka u qabteen daqiiqadii 17aad iyadoo Alexander – Arnold uu sameeyay caawin kale markii uu karoos ka soo dhigay garabka midig iyadoo Sadio Mane uu shabaqa ku taabtay. Goolkaas uu dhaliyay xiddiga reer Senegal ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Sadio ayaa gool labaad u dhaliyay Liverpool dhamaadkii ciyaarta taasoo wax weyn ka tareysa tartankiisa abaalmarinta gooldhalinta oo ay isku goolal yihiin Aubameyang iyo Salah.

Alexander-Arnold ayaa mar kale caawiye ka ahaa isagoo karoos ka soo dhigay garabka midig waxaana madax ku dhaliyay xiddiga reer Senegal.

Alexander-Arnold ayaa jabiyay rikoorka caawinta Premier League ee uu difaac uu sameeyo hal xilli ciyaareed, isagoo xilli ciyaareedkan horyaalka caawiye ka noqday 12 gool oo labo ka mid ah uu sameeyay kulankii maanta.

Liverpool ayaa 2-0 ku badisay iyagoo xilli ciyaareedkooda ku soo xiray guul balse seegay fursadii hanashada horyaalka Premier League oo ay ugu danbeysay muddo 29 sannadood ah.

 

MAN UNITED

Manchester United ayaa guuldarro ku soo xirtay xilli ciyaareed xumaa oo Premier League iyadoo looga badiyay 2-0 kulankii ay gurigooda ku soo dhaweeyeen Cardiff City, waxaana ay ku dhameysteen xilli ciyaareedkan kaalinta lixaad iyagoo u soo baxay tartanka Europa League halisna ugu jira inay isreebreebka Europa League ka qeyb qaataan.

Manchester United ayaa rigoore laga dhigay daqiiqadii 22aad ee ciyaarta markii uu daafaca reer Portugal Dalot uu qalad ku galay Mendez-Laing.

Waxaa rigoorada u soo istaagay isla xiddigii ku guuleystay Mendez-Laing kaasoo shabaqa dhex dhigay kubada hogaankana u dhiibay kooxda martida aheyd ee Cardiff City.

Daqiiqadii 54aad ee qeybtii labaad ayayna Cardiff sii dheereysatay hogaankeeda ka dib markii Murphy uu kubad fiican u dhiay Mendez-Laing kaasoo isna shabaqa ku taabtay, waa goolkii labaad ee Cardiff City iyo goolkii labaad ee Mendez Laing.

ARSENAL

Arsenal ayaa guul ku soo xirtay xilli ciyaareedka horyaalka Premier League ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen Burnley kulankii maanta oo marti ay u ahaayeen kooxda Burnley, waxaana Gunners ay ku dhameysatay kaalinta shanaad iyagoo si toos ah ugu soo baxay wareega group-yada ee Europa League.

Arsenal ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta qeybtii labaad iyadoo Burnley ay isku dayaysay inay kubada gadaal ka soo dhisto laakiin Taylor ayay kubad uu koontarool islahaa ka sibaxday waxaana ka xaday Aubameyang.

Waxaana uu u baxsaday dhanka gool isaga kubada si macaan u hareermariyay goolhaye Heaton.

Weeraryahanka Arsenal ayaana gool labaad u saxiixay Arsenal daqiiqadii 63aad markii uu baas fiican ka helay Iwobi islamarkaana uu shabaqa toogtay, waana goolkiisii 22aad ee horyaalka Premier League.

Burnley ayaana labo daqiiqo ka dib gool la soo laabatay iyadoo Barnes uu toogtay qeybta kore ee shabaqa taasoo ciyaarta ka dhigtay inay Gunners 2-1 ku badiso.

CHELSEA

Kooxda Chelsea ayaa ku dhameysatay xilli horyaalka Premier League kaalinta seddexaad iyagoo u soo baxay wareega group-yada Champions League ka dib markii ay barbaro goolal la’aan ah ay Stamford Bridge kula galeen kulankoodii ugu danbeeyay xilli ciyaareedka kooxda Leicester City.

Tottenham ayaa iyagana ku dhameystay kaalinta afaraad ee horyaalka ka dib barbaro 2-2 oo ay kala kulmeen kooxda Everton

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker