Muuse Suudi: Ma siyaasi sharciga ogol baa mise hogaamiye kooxeed soo rogaal celiyay?

 

Xildhibaan katirsan aqalka Senate-ka ee Soomaaliya, ahna hogaamiye kooxeed hore – Muuse Suudi Yalaxow ayaa maalmahan noqday mid aad loo hadal hayo.

Arrintan ayaa timid kadib markii uu ku gacansayray hadal ka soo yeereay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaaalada Muqdisho, Injineer Cabdiraxman Cumar Yarisow oo sheegay in dadka degan dhulkii hore ee ciidammada badda ee Soomaaliya ay baneeyaan.

Guddoomiyaha ayaa 11kii bishii Maarso sheegay in xaruntii Ex- Marino ee ciidammadii badda ee Soomaaliya laga dhigi doono aag diblomaasi, sidaasi darteedna dadka deggan halkaasi ay baneeeyaan.

Waxaa maalamhan soo baxayay warar sheegaya in dhulkaasi laga yaabo inay xiisad ka dhalato, hasayeeshee guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ay BBC-da la xiriirtay ayaa sheegay in amarkii ay soo saareen uu wali sidii yahay.

“Dadka dhulkaasi deggan waxay ku andacoonayaan in nidaam dowladeed lagu siiyay, waxaan arrintan kala kaashaneynaa wasaaradda gashandhigga, si aan u dhageysano cabashadooda, waxna looga qaban lahaa,” ayuu yiri Gudoomiye Yarisow oo BBC-da la hadlay.

Dadka dhulkaasi deggan oo u badan saraakiil hore oo milateri ayaa sidoo kale waxaa kamid ah Muuse Suudi Yalaxow oo wararku ay sheegayaan in uu ku doodayo in dhulkaasi lagu siiyay nidaam sharci ah, sidoo kalena uu heysto cadeymo.

Muuse oo waagisii hore looga bartay hogaamiye kooxeed leh ciidammo abaabulan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo baxay warar sheegaya in ciidamo hubeysan oo isaga ka amar qaata ay ku sugan yihiin dhulka uu degan yahay, balse BBC-da ayaa wayday wax caddaymo ah oo arrintaas la xiriirta.

Inkastoo Muuse uusan lahayn awooddii uu mar ku naaloon jiray haddana arrintan dhulka oo dad kale ku weheliyaan ayaa laga cabsiqabaa in ay xiisad dhaliso, waase haddii dowladda federaalka ay isku daydo in dadka degan xarunta Ex Marino ay xoog uga saarto.

Muuse Suudi ayaa aad loogu xusuustaa saameyntii uu lahaa xiligii hogaamiye kooxeedyada ay Soomaaliya ka talin jireen, waxaana uu kamid ahaa hogaamiye kooxeedyadii gudaha dalka kula diriray urur diimeedyadii soo maray Soomaaliya oo ay kamid tahay maxakamadihii Islaamiga.

 

 

In badan oo ka mid ah dhul ay laheyd dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa la wareegay amaba degan dad shacab oo ay kamid yihiin siyaasiyiin ay mararka qaar adagtahay in laga saaro, waxaana muddooyinkii dambe soo baxayay go’aano dowladda Soomaaliya ay ku amreyso in dhulka dowladda la baneeyo si loogu adeego bulshada, hasayeeshee waxaa mararka qaar dhacda in uu khilaaf ka dhasho.

“Sida ku qoran dastuurka, dowladda ayaa mas’uul ka ah dhulka, waa in ay dowladda u dhaqantaa si mas’uuliyad ay ku jirto oo waa in ay eegta sida dowladihii iyada ka horeeyay ay usoo dhaqmeen. Arrinta Muuse, dowladda waxaa la rabaa inay la timaaddo aragti macquul ah oo Muuse Suudi keliya ma ahane dadka oo dhan ay aqbali karaan, taasi oo u hiilineysa sareynta sharciga”. Ayuu yiri Xassan Cali oo ka faallooda arrimaha ammaanka.

Muxuu Muuse Suudi ku doodayaa?

“Muuse Suudi wuxuu ku andacoonayaa in dowladdii Cabdullaahi Yuusuf uu hub kaga badeshay lacag, balse xiligaasi aysan heysan dhaqaale ay siiyaan oo baddelkeediina loogu qiimeeyay dhulka uu hada degan yahay, waxaana loo baahan yahay in warqadaha uu wato Muuse Suudi Yalaxow qiimeyn lagu sameeyo, si loo waafajiyo qaanuunka dalka oo hadii uu xaq ku taagan yahay na la siiyo, hadii uusan laheyn na la yiraahdo xaq uma lihid dhulka, balse marnaba aanan loo baahnayn in la qaado tallaabo ka baxsan sharciga.” Ayuu yiri Xassan Cali oo si dhaw ula socday arrintan.

Xasan ayaa intaasi raaciyay in dhulkan taliska badda Soomaaliyeed uu kala yahay – Dhul ay lahaayeen ciidankii badda Soomaaliyed, guryo uu lahaa taliyaha ciidanka badda. Waxaa kaloo jiro dhul banaan oo saaran xeebta, balse dowladihii dambe ay bixiyeen oo ay u cabireen ganacsato iyo siyaasiyiin.

Xasan Cali ayaa sidoo kale sheegay in haddii arrintan aysan dowladda u wajihiin qaab waafqsan sharciga ay saameyn ku yeelan karto ammaanka, madaama hub fara badan uu gacanta ugu jiro shacabka.

Waxaa arrinta sii murjinaya taariikhda Muse Suudi, oo horey Muqdisho uga ahaa Hoggaamiye Kooxeed awood badan, taas oo dad badan ay ka cabsi qabaan inay dhaliso abaabul qabiil ku saleysan oo mar kale dib u billawda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker