Mohamed Salah Oo Anfield Soo Gaadhay Isaga Oo Xidhan Garan Ay Fariini Khaas Ahi Ku Qoran Tahay.

 

 

Xidiga xulka qaranka Masar iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa soo gaadhay Anfield waqti kooban ka hor xiliga ay bilaamayso ciyaarta dhex maraysa kooxdiisa Reds iyo Barcelona. Mohamed Salah ayaa qayb ka ahayn kooxda Liverpool ee kulanka caawa.

 

Laakiin Mohamed Salah ayaan awoodin in uu gurigiisa joogo maadaama oo uu dhibaato dhaawac ku seegay kulanka Barcelona wuxuuna ka doortay in uu ka soo xaadiro kulanka adag ee Liverpol iyo Barcelona si uu taageere ugu noqdo ciyaartoyda kooxdiisa Liverpool.

Laakiin Mohamed Salah ayaa Anfield soo galay isaga oo xidhan garan ay ku qoran tahay fariin khaas ah taas oo isaga iyo kooxdiisa si isku mid ah u taabanaysa.

Mohamed Salah ayay shaqaalaha caafimaadku u sheegeen in aanu ciyaari karin kulanka Barcelona maadaama oo uu miyir daboolmay kulankii Newcastle United waxaana taxadar ahaan loogu diiday in uu naftiisa ku riixo in uu ciyaaro.

Fariinta ku qoran garanka uu Mohamed Salah kala soo muuqday Anfield ayaa u dhigan sidan: “Waligaa ha isdhiibin” taas oo loo fahmi karo in shaqsi ahaan ay isaga u saamaynayso isla markaana ay kooxdiisa Liverpool saamayn ku yeelanayso maadaama oo ay doonayaan in ayna isdhiibin kadib guuldaradii Camp Nou.

Jurgen Klopp ayaa booskii Mohamed Salah ku badalay Shaqiri halka Origi uu buuxiyay booska uu Roberto Firmino ka maqan yaahy.

Halkan ka daawo Mohamed Salah  oo soo galaya Anfield ka hor kulanka Liverpool iyo Barcelona.

Embedded video

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker