Haweenay U Dhalatay Dalka Imaaradka Oo Kasoo Baxday Koomo Ay Ku Jirtay 27 Sannadood

Haweenaydan oo magaciisa l yidhaado Muniira Cabdlaha,ayaa waxay koomadan ay gashay sannadkii 1991-kii,waxaana sababay Shil gaadhi ay ku gashay Dalka Imaaraadka Carabta,iyada oo Xiligaas goob waxbarasho kasoo qaaday Wiilkeeda Cumar Wabeyr oo xiligaas da’ahaan jiray  afar sanno.

Shilkan oo xiligaas ka dhacay Dalka Imaaraadka Carabta,ayaa dhacay ka dib markii ay Gaadhigii ay waday isku dhaceen Buurbuur kale,ka dibna waxay isku dayday inay Wiilkeeda oo kursiga danbe ee gaadhiga badbaadiso si aanu daaqaada uga dhicin,balse waxa iyada Maskaxda kasoo gaadhay dhaawac culus,iyada oo aanay Wiilkii soo gaadhin wax dhaawac,marka laga reebo jugo iyo xariiqooyin ay ku sababeen Burburkii gaadhiga.

Dhaawacaas culus ee soo gaadhay ayaa sababay inay koomo ku jirto muddo 27 sanno ah,kaas oo culays badan iyo wer-wer la daris-siiyay qoyskeeda.

Arrintan,ayaa waxay  ssoo jiitay Warbaahinta Caalamka,waxaana si weyn daraasadaynaya cibradda ku duugan bahda Caafimaadka.

Qoyskeeda oo uu ugu horeeyo Wiilkeeda Cumar,mudadaas sannadaha ah waxay mar uun rajo ka qabeen inay koomadda kasoo baxdo oo ay la hadasho.

Wargeyska The National oo fadhigiisu yahay Dalka Imaaraadka carabta,waxa uu Cumar Wabeyr u sheegay inay Hooyaddii xaaladdaas murugga badan u gashay si ay isaga u badbaadiso,waxaana uu intaas raaciyay “ waligay maan niyad-jabin,waxaan dareensanaa in maalin maalmaha ka mid ah uun ay koomadda kasoo bixi doonto”.

Cumar Wabeyr,waxa uu sidoo kale u sheegay Wargeyska sababta uu sheekaddan qoyskiisa la xidhiidha ula wadaagayo dunidda,waxaana uu yidhi; “  Sababta aan sheekaddan ula adduunka ula wadaagayaa waxay tahay,in aanay dadku ka rejo-dhigin kuwa ay jecelyihiin,isla-markaasna aanay u qaadan inay dhinteen marka ay soo waajahdo marxaladdan oo kale”.

Mudadaas 27 sanno meelo badan oo caalamka ah iyo Cisbitaaladda badan ayaa la mariyay Munnira Cabdlah,iyada oo xili kastaba xaaladdu iska sii bedelaysa siday ahayd.

Ugu danbeyntii sannadkii 2017-kii ay Boqortooyadda Imaaraadku iyo Saraakiil ka tirsan Dawladdu,waxay qoyska Muniira Cabdallah u fuduyeen in loo qaado Dhakhtar ku yaalla Dalka Jarmalka,waxaana halkaas loogu sameeyo qalliino iyo dedaalo badan oo layskugu deyayo in kor loo qaado dareenka miyir-soo-celineed.

Hal sanno ka dib,waxay bahda Caafimaadka ee gacanta ku haysaa muujinayeen dareenno yididiilo farxadeed leh,kuwaas oo sheegaya inay suuragal tahay inay wax badani is-bedalaan.

Xili subax ah,ayaa wiilkeeda Cumar,waxa kusoo toosay ruux u yeedhaya,waliba Magaciisa ugu yeedhaya,waxaabu arkay inay Hooyaddii tahay,balse waxa uu maleeynayay inay aanay run ahayn,balse waxa uu xaqiiqsaday inay daqiiqadahan kooban u rumawday Riyaddiisii mudadada dheer,isla-markaasna waxii ugu horeeyay ee ay ku dhawaaqday waxa uu Magaciisa Cumar.
Haatan Muniira Cabdlaha iyo qoyskeeduba waxay kusoo laabteen Dalka imaaraadka Carabta,halkaas ay uga bilaamayso daryeel dheeri ah oo xaaladdeed caafimaad lagula soconayo.

Dhacdooyinka noocan ahi,maaha qaar dunidda aad uga dhaca,waxaana suuragal ah in sannooyin badanba mid la arko.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker