Siyaasiyiinta Soomaalida ee Nairobi ku shiray ma xil doon baa mise waa xal raadis?

Waxaa maanta magaalada Nairobi shir ku yeeshay qaar ka mid ah madaxda axsaabta siyaasadeed, xildhibaanno mucaarad ah oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale, kaas oo ay ku dalbanayeen in xukuumadda haatan la kala diro.

 

Waxay xildhibaannadaas iyo siyaasiyiintu ku eedeeyeen dowladda federaalka Soomaaliya inay diidday in mucaaradku ay shirar ku qabsadaan magaalada Muqdisho, sidaas daraaddeedna ay ugu qabteen Nairobi.

Xildhibaan Cabdifataax Ismaaciil Daahir, oo ka mid ah siyaasiyiinta ka qayb galay kulankaas ayaa BBC-da u sheegay in hoteellada Muqdisho laga xannibay in lagu qabto shirar siyaasadeed.

 

“Waxaa waajib ah in xaqa dastuuriga ah ee qofka la eego oo hoteellada loo fasaxo ganacsiyadooda, taas ayaa sabab u ah inaan Nairobi ku qabanno shirka, eeddeedana waxaa yeelaneysa xukuumadda,” ayuu yiri Cabdifitaax.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda federaalka Soomaaliya oo BBC-da la hadashay ayaa sheegtay in siyaasiyiintu ay la gudbooneyd inay iyagoo gudaha dalka jooga ay talooyin u soo jeediyaan dowladda.

 

“Dalkan dowlad ayuu leeyahay, ceddii wax qabsanayso waa inay codsi u soo qorataa wasaaradaha iyo hay`adaha ay quseyso, waayo ammaankooda ayaa lagu sugayaa. Iyaga ayaa doonaya inay dad isu keenaan oo wixii amni darro dhacana dowladda ku eedeeyaan, taasi suurto gal maaha.” Ayay tiri.

Siyaasiyiintan ayaa ujeeddada ugu weyn ee shirkooda ku sheegay inay walaac ka qabaan geeddi-socodka dhismaha dowladnimada iyo nabadeynta ee dalka, iyagoo soo saaray qodobbo ay ka mid yihiin arrimaha ammaanka, siyaasadda dibadda iyo wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland.

 

Waxay sheegeen in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku fashilantay sugidda ammaanka dalka, ayna ka gaabisay la dagaallanka Alshabaab, waxayna soo jeediyeen in la dhiso xukuumad cusub.

“Madaxweynaha labo sano ayaa u harsan, laakiin raysal wasaaraha waxaan soo jeedinayaa in xilka laga qaado oo lagu beddelo qof ka karti badan oo howlaha loo igmaday qabanaya. Annagu ma nihin xukun raadis oo ma dhahayno annaga ha nalagu beddelo, ee waxaan dooneynaa in qof kale oo ka habboon lagu beddelo .” Ayuu yiri Cabdifitaax.

 

 

Dhanka kale waxaa maalmahanba magaalada Nairobi ku sugan madaxda maamul-goboleedyada Jubaland, Galmudug iyo Puntland, kuwaas oo kulamo la yeeshay Beesha Caalamka.

Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhowaan sheegay in dowladda Soomaaliya ay haysato caqabodo badan oo ay ka mid tahay faragelin shisheeye.

 

“Waxaa na haysta faragelin shisheeye oo runtii muddooyinkii ay dawladnimadii naga burburtay ka dib in cidwalba ay isku daydo wixii ay ku heli karto saamayn, dhaqaale, ama dano kale in ay Soomaaliya farogashato, oo dadkeenu ay aamineen haddii beesha caalamku aysan garab taagnayn in aysan dhaqaaqi karin, taasna waxay keentay in dad badan ay is dhiibaan oo shisheeye la isu dhiibo.” Ayuu intaas ku sii daray madaxweynuhu.

Siyaasiyiintan Nairobi ku shiray ayaa qudhooda ku eedeeyay beesha caalamka inaysan daacad ka ahayn arrimaha Soomaaliya, waxayna ugu baaqeen in ay mudnaanta siiyaan howlaha lafdhabarka u ah nabadaynta iyo dhisamaha dowladda Soomaaliya, kana waantoobaan hoosaasinta ay sheegeen inay ku hayaan shacabka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker