Dad badan oo ku dhintay Dabaylaha Ruxay Dalka Maraykanka

RUgu yaraan siddeed ruux ayaa dhimatay kuwo kale oo badanna way dhaawacmeen ka dib markii ay dabayl xoog badan iyo roobab mahiigaanno ah ku dhufteen dhawr gobol oo koonfurta Maraykanka ku yaalla.

Gobolka Texas labo carruur ah ayaa dhintay ka dib markii uu geed ku soo dhacay gaarigii ay saarnaayeen, waalidka oo qaybta hore ee gaariga saarnaa ayaysan waxba soo gaarin.

Dhimasho ayaa laga soo sheegayaa Mississippi, Texas iyo Louisiana.

Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaan la soo badbaadinin saacado, ka dib markii ay wadooyinkii go’een, sida ay ku warrantay warbaahinta Maraykanka.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in ugu yaraan 11 duufaan ay ku dhufteen saddex gobolk ka hor inta aysan u jihaysan Xeebaha Bari.

Digniinta duufaanta ayaa Isniintii lagaga dhawaaqay Ohio, South Carolina iyo Virginia.

Alton Lenderman oo u hadlay booliiska deegaanka Angelina ayaa faahfaahin ka bixiyay carruurta ku dhimatay gaariga uu geedku ku soo dhacay, wuxuuna sheegay in qaybtii ay carruurtu ku jireen ee dambe ay u fidsantay sida malawaxa oo kale balse waa lidkii qaybta hore fadhiyay ay badbaadeen.

Labada carruurta ah ayaa kala ahaa siddeed jir iyo saddex jir.

Franklin oo Texas ka tirsan ayay waxyeelo wayn soo gaartay ugu yaraan lixdan dhisme ayaana ku burburray, masuuliyiinta deegaanku waxay sheegeen in 55 guri iyo dhismeyaal ay dawladdu lahayd ay burbureen.

Hamilton oo iyadana gobolka Mississippi ka tirsan ayay guryo badan ku burbureen, waxaana sidoo kale burburay xaruntii dabdamiska.

Qof ka mid ah shaqaalaha dabdamiska ayaa CNN u shegay in xarruntii dabdamiska ay meesha ka baxday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker