Wasiirka Arimaha Dibadda Sacuudiga Oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Dhigiisa Somaliya.(Sawiro)

Wasiirka Arimaha Dibadda Sacuudiga Amir Faisal Bin Farhan Bin Abdallah, ayaa Xafiiskiisa Magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ku qaabilay dhigiisa Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Labadan Masuul ayaa ka wada hadlay dadaallada lagu Xoojinayo Xiriirka laba Geesoodka ah iyo iskaashiga wadajirka ee dhinacyada oo dhan, iyo siyaabaha lagu gaadhi karo danaha u dhexeeya Muqdisho iyo Riyadh.

Waxay sidoo kale ka wada hadleen Arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee danta labada dhinac ah iyo ahmiyada ay leedahay sii wadida wadatashiga iyo isku duwista arrimaha guud.

Dowladda Sacuudiga ayaa waxaa ay kamid tahay dalalka taagera dowladda Soomaaliya, iyada oo dhowr jeer lacago kala duwna ugu deeqday Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker