Alaab Uu Lahaa Hoggaamiyihii Dalka Liibiya Mucamar Al-Qadaafi Oo Lagu Iibinayo Qiime Aad U Sareeya

Saacad Uu Lahaan Jiray Hoggaamiyihii Dalka Liibiya Ee Mucamar Al-Qadaafi Oo Lagu Soo Bandhigay Macradka Saacadaha Qiimaha Qaalliga Ah Ee Magaciisa la yidhaahdo Cristy Oo Lagu Qabtay Magaalada Dubai Ee Dalkaasi Imaaaraadka Carabta ayaa waxay soo hoysay Qiima aad a qaalli ah.

 

Saacadan oo nooceeda la yidhaahdo Patek phillippe ayaa waxa si gaar ah loogu sameeyay hoggaamiyihii dalkaasi ee Qadaafi, saacadan ayaa ahayd mid uu si gaar ah u doortay Qadaafi isla markaana dalabkiisii loogu sameeyey.

 

Qiimaha saacadan ayaa waxa uu gaadhaY 193,750 oo dollar waxaana la sameeyay sanadkii 1979kii waxaana laga sameeyay Dahab nooca 18ka ah, saacadan ayaa waxa gudaha kaga yaalay saxeexii Qadaafi waxaana dahabka ay saacadaasi ka samaysnayd uu midabkiisu ahaa cagaar.

 

Saacadan ayaa waxa markii hore lagu baayacay qiimaheeda 25 kun oo dollar kadib markii uu soo bandhigay masuul u dhashay bariga dhexe kaasi oo aan magaciisa la shaacin sidoo kale qiimaha saacadaasi lagu iibsaday ayaa waxa uu ka badan yahay 675% qiimihii lagu baayacay, qofka iibsaday saacadaasi ayaa sidoo kale la qariyay magaciisa iyo dalka uu ka soo jeedo.

 

 

https://www.albawaba.com/loop/gaddafi%E2%80%99s-watch-sold-dubai-auction-and-internet-loves-it-1272864

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker