Dawladda Jarmalka Oo Ka Cadhootay Weriyeyaal U Dhashay Dalkeeda Oo Turkiga Laga Caydhiyey

Wariyeyaashaas ayaa la siiyey muddo 10 cisho ah oo dalka ay kaga baxaan. Waxaana la rumaysan yahay in ay tahay markii ugu horraysey oo Turkigu uu diido in uu qaabilo saxafiyiinta ajaanibta ah.

 

Arrintaas waxay dib u soo celisay walaaca laga qabo cabbudhinta uu Turkigu ku hayo saxaafadda xorta ah.

 

Tobannaan saxafiyiin ah oo Turkiga u dhashay ayay dawladdu xabsiga dhigtay kuwaas oo lagu eedeeyey in ay xidhiidh la lahaayeen koox ay dawladdu la xidhiidhinayso Afgambigii dhicisoobay ee dhacay bishii July ee 2016-kii.

 

In ka badan 107,000 oo Qof ayaa laga ruqseeyey shaqooyinka dawladda, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay in ay gacan saar la lahaayeen Fetullah Gülen, oo ah wadaad lagu eedeeyey in uu ka dambeeyey afgambigii dhicisoobay.

Nin la taliye sare u ah Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa beeniyey in xukuumaddu ay cabbudhin ku hayso saxafiyiinta.

 

Labo kamid ah saxafiyiintaas ayaa dalkaas ka baxay Axaddii halay, halka midka kalena uu goor horeba tagay dalka Jarmalka.

Saddexda wariye ayaa kala ah, Thomas Seibert, oo u shaqeeya wargayskaTagesspiegel.

Jörg Brase, oo Agaasime ka ah ZDF iyo Halil Gülbeyaz oo ka tirsan TV-ga NDR.

 

Wasiirka Arrimaha dibedda Jarmalka, Mr. Maas ayaa Wargayska Tagesspiegel u sheegay “Haddii aanay jirin saxaafad War dhaliisha ma jirto dimuquraadiyad xor ah. Markaa waan sii wadi doonaa dedaalka ku aaddan in saxafiyiintu ay ka shaqeeyaan Turkiga iyagoon wax xayiraad ah la saarin..”

 

Waxa uu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda ee Turkigu uu ogyahay waxa Jarmalku uu doonayo.

Mr Brase oo ka mid ah Weriyeyaasha Turkiga laga caydhiyey ayaa BBC-da u sheegay inuu ka shaqayn karo IRAN, balse aanu ka shaqayn Karin Dalka Turkiga oo xubin ka ah Ururka NATO.

 

Ugu dambayn, lama oga sababta Dawladda Turkigu u caydhisay Weriyeyaasha u dhashay Jarmalka, wallow xurguf siyaasadeed u dhaxayso Dalalka Jarmalka iyo Turkiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker