Madaxweynaha Uganda Oo Ku Hanjabay inuu la baxayo Ciidamadiisa jooga Soomaaliya

Madaxweynaha Uganda, Yuweri Musaveni ayaa mar kale ku goodiyay in ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya uu la baxayo haddii Midowga Afrika ay isku dayaan inay yareeyaan ciidamada Uganda ee xilligan ku sugan Soomaaliya.

 

Yoweri Museveni ayaa sheegay inuu ku war-geliyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in dhammaan ciidamada ka jooga Soomaaliya oo ka badan 6,400 oo askari uu la baxayo haddii la isku dayo in la ciidamada Uganda la dhimo.

 

Tallaabadn ayaa timid kaddib markii madaxweynaha Burundi uu ku hanjabay inuu ciidamada ka joogo Somalia la baxayo kulligood haddii aan la joojin tirada ciidamada Burundi ee ka baxaya Soomaaliya.

 

“Waxay noo soo jeediyeen Golaha Ammaanka ee QM in tirada ciidankeenna aan dhinno, balse waxaan u sheegay inaan dhimayo, balse aan Soomaaliya kala baxayo dhammaan ciidamadeyda,” ayuu yidhi Museveni.

 

Sidoo kale, Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya uga sugan ay sii wada joogi doonaan Soomaaliya ama ay ka wada bixi doonaan oo aysan jiri doonin in qaarkood laga saaro Soomaaliya.

 

Dhanka kale, Museveni ayaa xusay in Muqdisho iyo meelaha kale ee ay kaga sugan yihiin Somalia ay amnigooda sugaan ciidamadiisa iyo kuwa kale ee ka soda Midowga Afrika, ayna danta ugu weyn ugu jirto Soomaaliya, balse aysan dani ugu jirin dalalka ay ciidamadu ka socdaan.

 

“Ciidamada ku sugan Soomaaliya waxay sugaan amniga, waayo dowladda ka jirta Soomaaliya ma ahan mid awoodi karta inay amnigeeda sugto, taasina waa mid caddeynaysa inaan laga maarmnin ciidamadeenna,” ayuu hadalkiisa ku daray Museveni.

 

Xukuumadda Uganda ayaa ahayd dowladdii ugu horreysay oo ciidammo ka socda dalkeeda keenta Muqdisho si ay uga qayb-qaataan sugidda amniga xilligaas oo ay dalka ka jireen colaado ragaadiyay dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker