Dhibaatooyinka Joogtadda ah ee aan wali xalka Joogtada ah loo haynin :- W/ Q Rakad Mxd Sultan.

Shilalka Gaadiidka ee dalka ka dhacaa waxa ay inoola mid Noqdeen dhibaatooyinka Caadiga ah ee sida maalinlaha ah u dhaca, Shilkastoo dhaca wax cashar ah ama waayo-aragnimo ah kama qaadano, Waynu aragnaa, inta dhimatana samir iyo Iimaan baa la dhahaa inta dhaawaca ahna Dadkooda ayaa la tacaala oo ma Hellaan Dhakhtaro Bilaasha oo shilalka gaadiidka u xil saaran, ma jirto Xusuus iyo Xabaalo iyo cid si gaara loogu xusuusan karo oo lagu qoray innay shil gaadhi ku dhinteen si ay cashar innoogu noqoto maxaa yeellay waxa aynu ognahay oo aynu aragnay, Maqalnay, in Haldooro, Culimo, Abwaano, aqoonyahano, shacab, masuuliyiin dawladeed, arday, oo intuba rag iyo haweenba leh ay naftooda ku waayeen shil gaadhi, ama ay ku laxaad beelleen, oo ku hanti beelleen.

Markasta oo gaadiidku bato waa markasta oo shilku bato, markaa waa in la hellaa wacyi joogtaa, Shuruucdii waddo marista oo la adkeeyay lana fuliyey, Goobo iyo Cisbitaalo ku haboon in lagu dabiibo dadka Shilalka gaadiidka ku waxyeelooba, Calaamadihii waddooyinka oo dhammeystiran, Ciidamo ku tababaran shaqadan iyo Bulsho aqbasha Shuruucda iyo Nidaamka waddo marista taasi waa xalka ugu wayn ee lagu yarayn karo shilalka gaadiidka ee joogtada u socda.

In Shil dhaco waa Qadar Alle se haddana dhibkasta oo dhacda waa in cashar iyo waayo-aragnimo laga dhaxlaa, si go’aamo looga qaato shilalka Joogtadda ah.

Waxa isku darsamay Darawal xumo, magaalooyinka qaarkood oo waddooyin xun, iyo Ciidamadda Nabad gelyadda oo Wakhtiyadda Qaarkood aan si saxa uga hawl galin Goobaha ku haboon, waddooyinka Qaarkood oo aan la isku waydaaran karayn, Dayac ka yimaada xagga Wadayaasha, gaadiidka oo qaarkood wakhti badan shaqeeyeen oo Burbureen iyo Calaamadaha Gaadiidka kala haga oo aad u yar ama aan Meelo badanba ka jirin.

Isku soo duubboo Shilalku waa ay sii badanayaan waxaanna aynu u baahan nahay in aynu Qorshe iyo Ka hor tag adag ka yeellano haddii kale waxa aynu noqon dad intay Gawaadhi helleen kadibna ka dhaxlay Dhimasho, dhaawac, khasaare maaliyadeed iyo Dhibaato kale ee bulshaddu dareemayso.

Inta Gaadiid jiro Shilna waa dhacayaa se inta gaadiid jiro waa in ka hortagiisuna jiraa oo markasta Lagu xisaabtamaa Xal u helida dhibkan.

Dadkeenna aqoonta leh ee jecel innay Dhibkan ka hor tagaan si aqoomaysan waxaan ka ballanqaadayaa in aan ana ka caawiyo Cilmi baadhisyo badan oo aan ka sammeeyay oo xalkooda wata.

Haddii aad darawal tahay fadlan markasta isku day Badbaadinta bulshadda oo ka fikir Sidii aad xawaare degan ugu waddi lahayd dadka ku saaraan kuna xisaabtan haddii Gaadhi ama wax iska socdaa kaa hor yimaadaan innaad gaadhigaaga maareyn kartid.

Dhammaan intii Maanta shilkan wax ku noqotay Alle ha cafiyo oo caafimaad sareecanna Alle ha siiyo.

Waxaanan soo jeedin lahaa in shirkadaha Gaadiidka ee socdaalada la xadido xawaaraha ay ku soconayaan inta ay safarka ku jiraan kii ka badiyana la ganaaxo Liisanka lagala noqdo.

Anigu waxaan aaminsan ahay in haddii sharciyadda iyo dastuurkeenna lagaga shaqaysiino in wax badani saxmi lahaayeen oo hagaagi lahaayeen shilalka gaadiidkana Sharci adag looga sammayn lahaa haddii kii hore u baahdo wax ka beddel.

Aynu wacyi galinta badino oo iskeen isku abaabulno sidii aynu uga hor tagi lahayn dhibkan.

 

 

Farxaanmxd@gmail.com
Berbera
Facebook:- Rakad Mxd Sultan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker