Maxaa Ka Jira In FARMAAJO iyo KHEYRE Ay isku Qilaafeen La-kulankii Faraamo Iyo Kenyatta

Wargeyska warbixinada sirdoonka Ah qora ee Africa Intelligence ayaa qoray in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihiisu Kheyre ay isku khilaafeen go’aankii Farmaajo ku tagay magaalada Nairobi ee uu kula kulmay Uhuru Kenyatta.

 

Wargeyska ayaa sheegay in Kheyre uu madaxweynaha u caddeeyey fikirkiisa ah inuu kasoo horjeedo kulankan oo ujeedkiisu ahaa in lagu qaboojiyo xiisadda diblomaasiyeed ee Kenya iyo Soomaaliya.

Warbixintan ayaa sheegtay in Xasan Cali Kheyre uu doonayey in Kenya aan loo muujin wax dabac ah, oo Soomaaliya ay muujiso inaan la handadi karin.

 

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale la sheegay inuu ka walaacsanaa dhex-dhexaadinta ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo in xiisadda labada dal lagu dhammeeyo hanaan diblomaasiyeed.

 

Sida warbixinbta ay tidhi, Farmaajo ayaa waxaa taageeerayey oo cadaadis kaga imanayey siyaasitiinta beesha Daarood ee ku jira dowladda Kenya, oo uu ka mid yahay guddoomiyaha aqlabiyadda baarlamanka Kenya Aadan Barre Ducaale, kuwaas oo doonaya inu xiisadda labada dal wada-hadal lagu dhamneeyo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihiisu Kheyre

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker