“Ilayn waxba laguma hayste In la daweeyo, oo naftiisa la badbaadiyo oo la qalo xaq buu u leeyahay Sheekh Aadan Sune “

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa ka hadlay xaalada caafimaad ee Sheekh Aadan Sune, waxaanu sheegay inuu u baahan yahay in caafimaadkiisa iyo daweeyntiisa xil la iska saaro.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay ,kolay sida aan filayna hadda dhakhtarka ayaa la keenayaa oo waa la qalayaa,qof dhakhtar iyo qalitaan u baahana maaha in dib loogu celiyo jeelka, ee haddii la qalayaba dhakhtarka waa lagu ilaalinayaaya, maaha Sheekhu qof ka baxsanaya.”

Wuxuu xildhibaan Nacnac ku baaqay in xil la iska saaro daawaynta Sheekh Aadan-sune oo uu ku dhacay bog dilaac, kaas oo baadhis loogu sameeyay mid ka mid ah cisbitaalada Hargeysa ka dib lagu celiyay jeelka Hargeysa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker