Labada indhood ee madaxweyne muuse biixi oo wax laga sheegaa waxay la mid tahay adigoo faragaliyay abuuristii illaahay .

Waa dhaqan xumo ,waa ixtiraam la,aan waa mid ka fog wada dhalashada in Muuqa illaahay inoo sameeyay  la faragaliyo ..

Baraha bulshada deegaanada soomaliland waxa ayaantan hadheeyay sawir si laga soo qaaday madaxweyne muuse biixi cabdi  . inkastoo shaqsiyan aanay ila quruxbadnayn in sawir caynkaasiya madaxweynaha laga soo qaado ayaa hadana sawirkaasi wuxuu noqday mid baraha bulshada siyaabo kala duwan looga falanqeeyo qaarna ka maadsadaan oo sawirkaasi u adeegsadaan dano siyaasadeed iyo mucaaradad ka dhan ah madaxweyne muuse biixi cabdi

Sawirka madaxweynaha laga soo qaaday ayaa dadku marka ay arkaan markiiba waxay isha ku dhufanayaan qaab samaysinka indheeed ee muuse biixi cabdi Mid kamida ishiisa ayaa cabir ahaan ka yar isha kale taasina waa wax iska caadiya oo illaahay ayaa qaabkaasiba u abuuray abuurista illaahayna waa iska noocyo badan tahay

hase ahaatee badanaa  si wacan looma arki jirin indhaha madaxweynaha maadaama uu adeegsado muraayada indhaha taasina dadku caadi ayay ula ahayd , laakiin dhawaan mar uu madaxweynuhu xaflad kaga qaybgalayay deegaanka dararweyne ayaa mar uu u istaagay Heesta astaanta u ah somaliland ayaa sawirkani la qaaday , dhawaan ayuunbay ahayd markii uu madaxweyne muuse biixi cabdi boorama kaga qaybgalay shirweynihii lixaad ee xisbigaasi kulmiye ayaa maalintii shirka uu soo xidhayay markii uu madaxweynuhu qudbada dhameeyay ayaan anigu qudhayda oo xafladaasi duubayay waxa aan indhaha saaray madaxweyne muuse biixi oo muraayada iska saaray kana daadagayay stagekii ama goobtii uu qudbada ka akhriyayay

Hadaba madaxweyne muuse biixi cabdi marmaba ma dhacdo inuu muraayad la,aan uu qudbaha uu jeediyo mararka qaar muraayada qofku waa iska saari karaa kana nasan karaa marka uu u baahdana waa iska xidhan karaa oo waa caado bulshadu wada qabto oo aanu qof kaliya ku koobnayn

Madaxweyne muuse biixi cabdi waa madaxweynaha dalka shacabka soomaliland ayaa doortay wuxuuna leeyahay dhaliil iyo amaan balse shaqsiyadiisa jidh ahaaneed iyo tiisa qofnimo in lagu dhaliilaa ma wanaagsana balse waxqabadkiisa ayaa ah mid wanaag iyo samaan lagu dhaliilo dadka sawirkaasi baraha bulshada wareejinayaa waxaa leeyahay walaalayaaloow waxaad ku gefteen abuuristii illaahay inaad indhaha madaxweynaha wax ka sheegtaan idinlama quruxbadan illaahay ayaa u sameeyay dhaliil hadii aad rabtaana maamulkiisa wax ka sheega balse indhihiisa iyo afaarihiisa gaarka idinlama quruxbadna inaad faragalisaan dhaqankeena iyo diinteenuba waa ay inaga mamnuucday

 Madaxweynaha oo qudbad jeedinaya xidhana muraayad madaw

 Madaxweynaha oo fadhiya misena muraayad xidhan oo qoslaya 

 Madaxweynaha oo kormeer samaynaya iskana bixiyay muraayadii uu xidhnaa maadaama qolal uu dhex marayo

Sawirka facebooka dhex wareegaya ee madaxweynaha indhihiisa wax lagaga sheegayo waa midkan markan madaxweynuhu waa sarajoogaa wuxuuna u istaagay heesta Astaanta qaranka soomaliland wakhtigaasina waa iska caadi in muraayada la dhigo ama la xidhnaado sababta oo ah madaxweynuhu qudbad uma jeedinayo bulshada

Daawo Muuqaalkan Madaxweyne muuse biixi oo shirkii boorama joogay iskana saaraya muraayadii uu xidhnaa kadib markii uu gutay waajibaadkiisii oo la xidhiidha qudbada uu u jeediyay bulshadii uu la hadlayay

https://www.youtube.com/watch?v=3CUqUwlzUPc

Wariye Nuux kadiye ayaa maqaalkan diyaariyay

Wariyenuuxkadiye@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker