Weerar ka dhacay xarun tareen oo ku taalla Faransiiska

Saddex qof ayaa ku dhaawacantay weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay xarun tareen oo weyn oo ku taalla magaalada Paris.

Hal qof ayaa la sheegayaa in uu dhaawac halis ah kasoo gaaray caloosha intii uu weerarku socday kaas oo ka dhacayGare de Lyon.

Booliska Faransiiska ayaa gacanta ku dhigay nin lala xiriirinayo weerarka.

Waxaa lagu soo waramayaa in uu asal ahaan ka soo jeedo dalka Mali, balse wuxuu soo bandhigay dukumentiyo Talyaani ah oo uu u gudbiyay saraakiisha la xiray.

Kiiskiisa looma baarin sida falalka argagaxiso oo kale.

Adeegga tareennada ee ka baxa xarunta oo u kala goosha Talyaaniga iyo Switzerland iyo sidoo kale aagga koonfurta Paris ayaa hakad galay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker