Ex-Wasiir Cabdillaahi Cukuse Oo Loo Magacaabayo Afhayeenka Xisbiga KULMIYE

Siyaasi Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa waxa la filayaa in loo magacaabo afhayeenka xisbigi xaakimka KULMIYE, sidaa waxa loo xaqiijiyay wargeyska geeska afrika .

Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse oo xilal wasiirnimo oo kala ahaa Warfaafinta iyo xannaanada xoolaha ka soo qabtay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu go’aansaday in uu u magacaabo Afhayeenka xisbiga KULMIYE, kuna daro hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE.

 

Siyaasi Cabdillaahi Maxamed Daahir ayaa markii tallada dalka wareegay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa safar ku tagay dalka Ingiriiska, waxaana la sheegay in uu hawlo waxbarasho u joogo halkaasi.

 

Source: Geeska Afrika

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker