Somaliland Oo Ka Faa’iidaysanaysa Xiisadda Diblomaasi Ee U Dhexeeya Soomaaliya Iyo Kenya

Dowladda Kenya ayaa wada-hadallo hoose kula jirta Xukuumadda Somaliland, xilli ay xiisad ku saabsan badda Soomaaliya, ka dhaxeyso dowladda federaalka ah ee Magaalada Muqdisho.

 

Warkan ayaa waxaa shaaca ka qaaday wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo sheegay in wada-hadallada labada dhinac ay ku saabsan yihiin xidhiidhka labada dal.

 

Wasiirka Khaarajiga Somaliland Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ‘Faratoon” waxa uu shaaca qaaday in wada-hadallada cusub ee labada dhinac ay ku saabsan yihii sidii Kenya ay xafiis diblomaasiyeed oo heer sare ah uga furan lahayd magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

 

“Baryahanba Dawladda Kenya wada hadalo ayaa noo socda, in halkan Xafiis ka furtaan, in xidhiidhkayagu sii kordho, ayaanu rajaynaynaa, laakiin wax kama dambaysa ah oo la gaadhay oo aan hadda ku dhawaaqi karayaa ma jiraan” ayuu yidhi Wasiir Faratoon oo warbaahinta la hadlayay.

 

Dawladda Kenya ayaa muddo diiddaneyd inay xafiis diblomaasiyeed ka furato magaalada Hargeysa, iyada oo diiddan inay dhaawacdo xidhiidhka ka dhaxeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya balse lama oga waxa wakhtigan keenay in xaaladdaasi is baddasho oo wada hadallada Nayroobi iyo Hargeysa noqdaan sidii xafiiskaasi oo muddo badan la hadal hayay loo suurto galin lahaa.

 

si kastaba ha ahaatee dhawaan ayay ahayd markii jaaliyadda Kenyan-ka ah ee ku sugan Magaalada Hargeysa ay kulan isugu yimaaddeen iyada oo la sheego in dad badan oo Kiiniyaan ahi ku sugan yihiin waddanka Somaliland kuwaasi oo u badan Macallimiin, Ganacsato, Shaqaalo ka hawl gala Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Kuwa Caalamiga ah iyo kuwo kaleba waxaanay muwaadiniinta Kenyanka ah ee Somaliland ku sugani kulankoodaasi ka sheegeen in ay u baahan yihiin safaarad ay Kenya ka furato Somaliland.

 

wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland,

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker