Sisilada Raaligalin Qaybta 1aad: Xisbiga Qaranimo

Silsiladan waxaan ugu talo-galay cid kasta oo i garanaysa laga bilaabo ehelkayga, asxaabtayda, ardaydayda iyo cid kasta oo hawada kala socon jirtay qoraaladayda iyo muuqaaladayda.
Hadafka silsiladani waxay tahay in aan bulshada ku baraarujiyo arrimo khaldan oo aan hore ugu dhaqmay jahli iyo khibrad yaraan darteed, balse aan hadda ka toobad keenay.
Raaligalinta 1aad: Xisbiga Qaranimo
Waxaan jecelahay in aan raaligalinta ka bilaabo hawlihii ugu dambeeyay ee aan si caam ah u qaban jiray (Public), taasoo ah asaasidda iyo u ololaynta xisbiga Qaranimo (Xisbiga hiilka Shacabka) kaasoo hadafkiisu ahaa inuu noqdo (xisbi qaran) oo ka mid ah (saddexda xisbi qaran) marka la gaadho doorashada golayaasha ee 2022.
Shaqadan intii aan ku jiray waan ka run sheegay oo wakhti aan caadi ahayn ayaan galiyay, xitaa aan xusi karo in xaaskayga Qaaliga ah marwo Deqa Maxamed Good ay ku sheegtay xisbiga Qaranimo (Minyaradaydii), ka dib markii ay aad ula yaabtay isla maqnaanta iyo mashquulka badan ee aan galiyay.
Ma jiro qorshe aqooneed oo ku saabsan hawl-gallada xisbinimo ee caalamiga ah ilaa aan akhriyay oo aan dhaqan-galiyay, ma jiro kooras xirfadeed oo ku saabsan qaabka abaabulka iyo wacyigalinta ilaa aan bartay oo aan fuliyay, ma jiro cid aan aqoon ku tuhmaayo dalka gudihiisa siiba dhalinayarada ka mid ah ilaa aan anigu doontay oo aan ka codsaday inuu xisbiga ku soo biiro ama ugu yaraan uu taageero iyo talooyin siiyo… haddana dhammaan arrimahani may shaqayn, mana shaqayn lahayn xitaa haddii aanu wadi lahayn 100 sanno oo dambe (waxaan ka hor tagayaa doodda ah: maxaad u samri waydeen?), samirku ugu dambayntii wuu ku gaadhsiiyaa hadafka aad doonaysid laakiin waa haddii aad haysid jidkii wadadaasi loo mari lahaa, laakiin haddii aad ku samirtid jid khaldan, waxa sii kordhaaya ambadkaaga.
Anigu (daacad) ayaan ahaa in kastoo mararka qaar eraygaasi u dhigmo (doqoniimo), laakiin waxay doonto ha ahaatee wakhti qaali ah oo ka mid ah sannadaha qaaliga ah ee cimrigayga ayaa ku lumay, nasiib darraduna waxay tahay in aan wakhtiga ka lumiyay ugu yaraan ilaa 70 xubnood oo kale oo xisbiga asaasayaal ka ahaa oo qarash la mid ah inta aan bixiyay iyaguna bixiyay, iyo ugu yaraan shan boqol oo taageere ah oo diiwaangashan, intaasna waxa dheeraa kumanaan si guud warka xisbiga ula socday, kuwaasoo u haystay rajo cusub oo dalka u soo korodhay, iyadoo bogga xisbiga Qaranimo ee facebook-gu uu gaadhay 18 kun oo qof oo ku xidhan (https://www.facebook.com/Qaranimo2022).
Muddadii labada sannadood ee aan ku jiray hawsha xisbiga waxaanu aniga iyo asxaabtaydu fulinay hawlo fara badan, mararka qaar waxaanu is-lahayn waxa fiican in aad qarsataan qorshaha xisbinimo si aanaan (sharciga) u jabin, mar dambana waxaanu go’aansanay in aanu isku diiwaangalino magac urur aan dawli ahayn oo aanu u bixinay (Dalsoor) oo aanu muddo ku hoos shaqaynay oo aanu xafiis uga furnay badhtamaha magaalada Hargeysa, mar dambana waxaanu aragnay in aanay labadsaasi hawlood is ag-socon karin, sidaa awgeed ay muhiim tahay in la kala saaro.
Intii aanu xisbiga ku jirnay waxaanu samaynay sharciyo iyo hanaan aan odhan karo 100% waanu ku dhaqmi jirnay, xitaa haddii ku dhaqmida shuruucdaasi ay marar badan ka dhalanaysay arrimo aanaan jeclaysan jirin si aanu isu barno in aanu ka run sheegno shuruucda aanu samayno ilaa inta aanu beddalayno.
Xisbigu wuxuu ahaa mid si buuxda loo wada lahaa, bal xitaa uu gaadhsiisnaa heer in laysla baryo xilalkiisa sar-sare maadaama cid walba arkaysay inuu ahaa meel tacab iyo hawl u baahan oo aan lahayn manfac la tilmaami karo.
Jidka noo cadaa wuxuu ahaa in aanu ururino ugu yaraan kun xubnood oo markii dambe aanu ka dhignay shan kun oo xubnood oo noqda asaasayaasha xisbiga iyo miisaaniyad dhan hal milyan oo doolar oo noqota bud-dhigga diyaar-garawga doorashada 2022 ee ururada, laakiin markii aanu maraynay ilaa 70 xubnood, ayaan jeclaaday in hawsha layla sii qaybsado haddii ay tahay wacyigalinta iyo keenista xubnaha cusub labadaba, anigoo rumaysnaa ilaa immikadanna rumaysan in qaabka shaqo ee tirada yar uu noqonaayo isla qaabka shaqo haddii heerka shaqo kor loo qaado, taasoo macneheedu tahay in haddii aanu ku guulaysan kari wayno wanaajinta maamulka 70 xubnood inay hubaal noqonayso in aanaan awood u yeelanayn hagaajinta dalka.
Waxaan aaminsanahay in tijaabada xisbigu ay ahayd jaamacad aanu wax badan ka baranay siiba aniga, laakiin guul-darrada naga soo gaadhay hadafkaayagii ahaa in aanu noqono xisbi taasi waxay ahayd arrin hubaal ah laba sababood dartood:
1. arrimo badan oo dalka ka jira oo aanu u haysanay inay yihiin kuwo dhab ah, laakiin ay tijaabada noogu cadaatay inay tahay been, sida: diimuqraadiyada dalka, dastuurka Somaliland, shuruucda dalka, hayadaha dalka, isla xisaabtan…iwm, arrimahaasi oo aanu ka maqli jirnay warbaahinta, laakiin aanu nuxurkeedii soo taabanay in aanay waxbaba ka jirin, iyadoo sababtani ahayd ta ugu weyn ee naguba kaliftay in aanu xisbi samayno annagoo jecel (dalkaayaga) isla markaana u hoggaansamayna (shuruucdiisa), laakiin marka ay noo cadaatay in dhulka aanu cagaha ku hayno in aanu sugnayn waxay nagu noqotay naxdin, haddii aan tusaale dhaw u soo qaato: ogaanshaha aanu ogaanay in 99% aanay suuragal ahayn inay Somaliland mar 2aad ay doorasho ka dhacdo xitaa haddii 20 sannadood oo dambe la sii joogo waxay meesha ka saartay gabi ahaan rajadaayadii ahayd in aanu heli doono jaanis aanu ku tartano, oo aanu dadka aragtidaayada ugu soo bandhigi karno, dabcan sababtani waa ta ugu yar ee keentay in aanu aqoonsano in jidka xisbinimo uu khaldan yahay, taasoo ay ka waynayd ogaanshaha jiritaan la’aanta guud ee dalka, anigoo arrintan si weyn ugu faah-faahiyay buugga aan qoray ee magaciisu yahay (Dawladnimada iyo Horumarka Maxaa Soomaalida ka hortaagan?).
2. dhismaha fikradeed ee qofka Soomaaliga ah oo khal-khal badani ka jiro, taasoo ku adkaynaysa inuu xambaari karo shaqooyin wakhti dheer qaadanaaya ama aan looga horrayn, anigoo arrimahaasi si qoto dheer uga hadlay buugga (Xor Ma Tahay?).
Khibrad waanu kasbanay, laakiin waxa keliya ee I damqaaya kharashka uu nagu qaatay in aanu barano casharadaasi kor ku xusan, kaasoo naga qaatay laba sannadood oo qaali ah iyo lacag badan.
Raaligalintan waxaan jecelahay inay ugu horrayn iga aqbalaan cid kasta oo xubnaha xisbiga ka mid ahayd ama taageerayaasha iyo xitaa dadka kale ee aan ugu baaqi jiray inay xisbiga ka mid noqdaan… run ahaatii (aad iiga raali ahaada), waxaan rajaynayaa inaad ii cudur-daari doontaan, sababtoo ah idinla mid ayaan ahaa oo jahli iyo khibrad yaraan ayaa I haysay.
Si ay toobaddaydu u noqoto mid wax tarta, waxaan ballan qaadayaa in aan tijaabadaydan u gudbiyo cid kasta oo wali aaminsan hanaan xisbinimo, haddii ay tahay xisbiyada hadda jira ama kuwa mustaqbalka la abuuraba, khibradaydan oo dadka ku anfacaysa in aanay la kulmin luggooyadii aanu la kulanay.
Ilaahoow noo wada dambi dhaaf….. Ilaahoow aqoonta noo kordhi… Aamiin.

 

mahmoud Jama Ahmed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker