AKHRI: Warbixin Baanka Dhexe ka soo Saaray Sicir-bararka & Dhaqaalaha Somaliland

Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa ka warramay sicir-bararka dalka iyo dhaqaalaha Somaliland, siday ku sheegeen war-saxaafadeedkan:

 

Sida uu qeexaayo Xeer Lr 54/2012 qodobkiisa 4aad waajibaadka asaasiga ah ee Baanka Dhexe ee Somaliland, waxa ugu mudan xakamaynta sicir-bararka iyo dejinta qiimaha Shilinka Somaliland. Haddaba annaga oo waajibaadkaas fulinayna, waxaanu bulshada Somaliland la wadaagaynaa warbixin ku saabsan xaaladda dhaqaale ee dalku ku sugan yahay oo ah mid fayow.

1. SHILINKA SOMALILAND OO KOR U KACAY 15%.

Heerka isku beddelka sarrifka Dollarka iyo Shilinka Somaliland ayaa Bishii February 2019 dhammaadkeedii halka Dollar ($1) lagu sarrifaayay Slshs 9,050marka la barbardhigo bishii Feb, 2018 oo lagu sarrifaayay Slshs 10,700 taas oo u dhiganta kor u kac qiimaha shillinka 15%. Kor-u-kaca qiimaha Slshs wuxuu si toos ah u anfacay mujtamaca ku hela dakhliga iyo mushaharooyinka shillinka Somaliland. Sababaha keenay kor u kaca qiimaha shilling Somaliland waxa ka mid ah:

1. Baanka Dhexe oo xakameeyay xaddiga lacagta suuqa gelaysa isla markaana waxa khasnadaha Baanka kusoo xarooday lacag badan oo markii hore suuqa wareegaysay.

2. Baanka Dhexe oo maareeya suuqa sarrifka lacagta soona saara Sicir Dhexe oo haga sarriflayaasha. Sarriflaha kor u dhaafa Sicirka Dhexe ee Baanku soo saaro qaddar ka badan 2%, waxa uu Baanka Dhexe ka joojiyaa nidaamka elekrooniga ah ee lacagta lagu kala beddesho, ruqsaddana waa lagala noqdaa.

3. Dawladda Dhexe oo joojisay Kharashaadkii aan daruuriga ahayn ee la soo dayn jiray marka laga reebo mashaariicaha waxtarka u leh horumarinta qaranka.

4. Waxa door fiican ka qaatay kor u kaca qiimaha shillinka Somaliland tallaabooyinkii Xukuumadda Somaliland ku mamnuucday in wixii ka yar $100 la isugu diroadeegyada Zaadka & Edahab taas oo dhaqan gashay bishii March ee sannadkii hore.

5. Bilihii ina dhaafay ee Jan & Feb, 2019, waxa si xawli ah u kordhay dhaq-dhaqaaqa bushcuradda kasoo degta Dekadda Berbera oo u badan alaabo loogu talogalay Bisha Ramadaan ee barakaysan. Dhaq-dhaqaaqaasi wuxuu kordhiyay baahida loo qabo SLSH oo ganacsatadu ku bixiso cashuuraha.

B) SICIR BARARKA OO HOOS UGU DHACAY 7.7%.

Heerkii Sicir bararka ugu sarreeyay ee Somaliland soo mara waxa uu ahaa bishii Feb, 2018 oo uu gaadhay 19.1%, halka uu sannad kadib bishii Jan, 2019 hoos ugu soo dhacay 7.7%.

Hoos u dhacaas ballaadhan waxa laga dareemay suuqyada ganacsiga iyo goobaha wax lagu kala iibsado oo haatan deggen (Stable). Dhinaca kale , haddii aynu Somaliland barbardhigno dalal Afrikaan ah oo qaarkood aynu jaar nahay waxa muuqanaysa in ay Somaliland meel hoose kaga jirto kana fiican tahay dalalkaas sida: South Sudan43%; Angola 18%; Masar 13%; Nigeria 11.3%; Ethiopia 11%; Congo 10%; Somaliland 7.7%.

1. GUNAANAD:

Inkasta oo qiimaha Dollarku hoos ugu dhacay Slshs 9,050 sida aanu kor ku xusnay, haddana ganacsatadu waxay weli alaabta ku iibiyaan Slshs 10,000. Haddaba, Baanka Dhexe ee Somaliland wuxuu sarrifkaas ganacstada u arkaa mid aan xalaal ahayn, waxaanu ganacsatada ku boorrinaynaa inay u tudhaan bulshada oo qiimaha bushcuradda ku sargooyaan heerka sarrifka Dolarku maraayo oo haatan dul fadhiistay Slshs 9,000.
2. Baanka Dhexe ee Somaliland, isaga oo tixgelinaya bulshada dakhligooda ku hesha Dollarka Maraykanka iyo qurbajoogta maalgashiga ku samaynaysa dalkooda hooyo, yoolka Baanka Dhexe ee sarrifka Shilinka Somaliland waa 8,500 halkii doolarba. Haddii uu heerkaas hoos uga dego, Baanka Dhexe ee Somaliland waxa uu qaadayaa tallaabooyinka ku haboon.

3. Haddii uu sicir-bararku gaadho ama hoos uga dego raqamka “Eber” waxa dhici karta in dalku galo xaalad dhaqaale oo adag oo ay ka mid tahay Busaarad, Shaqo la’aan iyo Ganacsiga oo yaraada. Si xaaladdaas looga feejignaado, yoolka sicir bararka ee Baanka Dhexe waxa uu ku waajahan yahay 5-7%. “Inflation target rate”, haddii heerka sicir bararku gaadho ama hoos maro 5%, Baanka Dhexe wuu soo dhex galayaa waxaanu qaadayaa tallaabooyinka markaas ku habboon. Balse marka aynu eegno mushruucyada horumarineed ee laga hirgelin doono Somaliland muddada dhaw ee soo socota, waxaanu filaynaa in sicir bararku aanu hoos u dhaafi doonin 5%. Mashruucyadaas oo ay ugu waaweyn yihiin Berbera Corridor iyo ballaadhinta Dekedda Berbera, oo wadarta qiimahoodu dhan yahay $560 Million. Mashruucyadaasi waxay keeni doonaan shaqo-abuur iyo dhaqdhaqaaq dhaqaale oo xooggan.

 

 

Wa Billaahi Towfiiq

Cali Ibraahim Jaamac

(Guddoomiyaha)Baanka Dhexe JSL

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker