Hoobiyeyaal Maanta Lagu Garaacay Agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya

Muqdisho(OWN)- Tiro Madaafiic ayaa goordhow ku soo dhacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxaana la sheegay in uu ka dhashay khasaare bur-bur ah oo soo gaaray Xafiisyo ku yaala Gudaha Madaxtooyada.

 

Xarunta Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa la sheegay in uu ku soo dhacay hal hoobiye kaas oo bur bur u geestay Xarunta Guddiga.

 

Sidoo kale Xarunta Villa Hargeysa ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ku soo dhacay hoobiye kale kaas oo la sheegay in uu bur buriyay Gaariga Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdi-wali Sheekh Ibraahim Muudey.

 

Waxaa jirta 2 hoobiye oo kale kuwaas oo ku dhacay dhabar-ka dambe ee Madaxtooyada Soomaaliya lamana hubo in ay khasaare kale geesteen. Tirada Hoobiyaasha soo dhacay ayaa ah 4 hoobiye oo laba kamid ah ay ku dhaceen Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

 

Image result for Madaafiic Madaxtooyada Soomaaliya

Oodweynenews Muqdisho

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker