Heegada Hargeysa , Jaalle Libaan Samatalis iyo Jaalle Michael Rubin …… See Arrin Yahay?!

Nin la yidhaah Jaalle Michael Rubin ayaa la yidhi wuxuu yimi Hargeysa si uu u caawiyo Heegada Hargeysa si ay u hesho waxoogaa mucaawino Maraykan ah Muwaadin maskaxdaada yaan la caayin markii hore Somaliland hal qabiil iyo waxoogaa flower ah ama ubax ( dhawr nin oo Samroon ah )bay ahayd waa sabata loo ictiraafi waayey iminka oo ay noqotay QOYSLAND cid ay ictiraaf kala hadli karaan ma jirto Allah ayaan ku dhaartaye inta yaacaysa lobby -ga caalamka ee leh Heegada Hargeysa nama matasho ee xataa Isaaq ku jiro iyo waraaqaha ay beesha caalamka gaadhsiinayaan waad yaabaysaan..

 Hadaad ninkan dooneysid inaad wax ka ogaato akhri maqaalka ku soo baxay jariidada The Nation ee cinwaanku yahay ” The Mind-Boggling Stupidity of Michael Rubin ”  Anakoo ah the progressives nimankan dagaal ba’an baa na dhex maray xaga social media iyakoo weerar ba’an oo bahalnimo ah oo cir iyo dhul ah ku hayn jiray Madaxweyne Obama mararka qaarkoodna cunsurinimo lagu eedayn jiray………………Jaalle Michael Rubin wuxuu madax ka yahay the American Enterprise Institute ( AEI ) waa machadka ay u shaqayso Jaalle Ayaan Xirsi Cali waa wareeey Jaalle Ayaan  Xiris Cali ma waxay ka mid noqotay Heegada Hargeysa ………. Yeelkeede

Think  tank -kan  ama Macahadkan the American Enterprise Institute ( AEI) waxa samaystay Jaalle Madaxweyne Ku Xigeen Dick Cheney iyo xaaskiisa Jaalle Lynne Ann Cheney waa dagaal ooge yaal heer sare ah fikirka dagaalkii Ciraaq iyadoon shuqul ku lahayn Ciraaq dal ahaan Mashaqadii 11 September 2001 ka dhacday magaalada New York waa halkii uu ka soo baxay , macahadkaa iyo raguu ka mid yahay Jaalle  Michael Rubin waa ragii Ciraaq gubay,  Suriyana lagu daray Iminkana u tafo xaydan in Iran la gubo,  liliijinaya Sacuudi careebiya iyakoo Yemen iyo Sucuudiga qoorta isku sudhay, Turkiga ku karbaashaya Kurdida oo uu gacan saar dhaw la leeyahay Jaalle Michael Rubin midna ku darsoo ninkan iyo macahadkiisa aad iyo aad buu u neceb yahay Madaxweyne Trump iyakuna aad bay u neceb yihiin iyakoo u arka clown isna uu u arko dagaal oogayaal caalami ah …

Waaryee ma Jaalle Dick Cheney iyo Jaalle Ayaan Xirsi Cali ayaa Hargeysa idiinku yimi qadar Allah waxaan isna maqlayey Nuseyrigii yaraa Macaali Wasiir Maxamed Cabdillaahi Cumar ( Bajaajka ) oo leh Jaalle Farmaajo iyo Jaalle Biixiga Hargeysa ayaan wada hadalsiinayaa hadii reerka 26 June degaa uu shaxaad ugu tagayo Jaalle Farmaajo iyagay u taal lakiin cid cid matasha ayaa iska yar Gobolada waqooyi hadaan wada hadal la iskugu iman marka hore ka Gobolada Waqooyi ahaan Jaalle Farmaajo na waa ogyahay Allah na wa ogyahay ama Jaalle Michael Rubin iyo Jaalle Bajaaj u yeedho ama Jaalle Ayaan  Xirsi  Cali u gacan haadi .

Waar Shalayto waraysi la yaab leh ayaanu la kulanay Youtube waa nin la yidhaah Jaalle Liban Samatalis AL- Cadaala oo ah maamulaha iyo tafatiraha guud ee ” Radio AL-Cadaala ” Radio- ga  Somaali Allah May iyo maxaad tiri Jareer iyo Jileec inta badana ah on your face  … Markaa xalayto dood ba dhex martay Jaalle Liban Samatalis AL- Cadaala iyo gabadh kasoo jeeda Bariga Burco tasoo leh KHUMKHUM BAA NALOO SHIDAY  manaan garan geelaa dofaarku laayey hagbadii iyo jeegaantii ma khumkhum in la isku shido ayey ku dambeysay…

 Ogow Muwaadin Inanta Habar Jeclo Khumkhumka jeebka kalamay soo bixin ee waxa sheegay Dumar yaacayey social media ha oo kasoo jeeda beesha degta 26 June  oo lahaa cid walba waanu Bukhuurina  fanacuudu Bilaah waa isla Dumarkii uu Jaalle Muuse Biixi Cabdi markhaatiga u furay khudbadii Boorama isagoo leh bariga dad jaahiliina oo gaajo ah oo camal xun baan ku nool waa siduu hadalka u dhigaye waana intay habluhu lahayeen ……

 

Markaa qolaa Sheekh Cabdiraxmaan Bin Xaaji Sheekh Dabcasar u yeedhay si inantaa Qura’an loo saaro ninkan jinkiisu galayna cashar looga dhigo waxkaloo laqdaba ah ulama jeedno ….

 

 

Ahmed Jigga
jooqleodawaa@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker