Islamic Jihad oo ku dhowaaqday xabbad-joojin

Kooxda Falastiiniyiinta ee Islamic Jihad ayaa xababd-joojin uga dhowaaqday Gaza Arbacada maanta ah, kadib markii ay gantaallo is-weydaarsadeen Israel, taasi oo ka dambeysay markii xubin sare oo ka mid ah oo cuntada ka soomay uu ku dhintay Israel.

Hal qof oo Falastiini ah ayaa lagu dilay, shan kalena waa lagu dhaawacay weerar duqeymo ah oo Israel ay arootii qaaday ayada oo ka aargudaneysa gantaallo looga soo tuuray Gaza, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

Hase yeeshee, dhex-dhexaadiyeyaal ka socday Qatar, Masar iyo QM ayaa ku guuleystay in lasoo celiyo xasilloonida abaare 4:00 am, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan Islamic Jihad iyo Xamas u sheegeen AFP.

Masar — oo horey u dhex-dhexaadisay Israel iyo dagaal-yahannada Falastiiniyiinta — ayaa ka qeyb qaadatay xabadd-joojinta, inkasta oo weli Israel aysan xaqiijin wax heshiis ah.

“Waxaan ku guuleysanay inaan gaarno xasillooni ayada oo labada dhinacba ay ka jawaabeen saaka,” waxaa sidaas AFP u sheegay ilo-wareed amni oo Masaari ah oo codsaday inaan la magacaabin.

Ciidamada Israel ayaa sheegay in digniintii ugu dambeysay ay ka dhowaqday xuduudda Gaza, abaare 5:30 am.

Ilo-wareedyo ku sugan Gaza ayaa AFP u sheegay in dhowr gantaal oo ku wajahan Israel halkaas laga soo tuuray xilligaas.

“Hal wareeg oo ka mid ah iska hor-imaadyada ayaa dhammaaday, hase yeeshee iska caabinta waa ay sii socon doontaa mana istaagi doonto,” waxaa sidaas bayaan ku yiri Tariq Salmi, oo ah afhayeenka Islamic Jihad.

“Dagaal-yahannadeena geesiyaaasha ah waxay muujiyeen daacadnimadooda iyo sida ay uga go’an tahay inay difaacaan dadkooda,” ayuu ku daray.

Hoggaamiyaha Xamas Ismail Haniyeh ayaa dalbaday in Israel ay qoyskiisa kusoo wareejiso meydka sarkaalka gajaada u dhintay.

“Waxaan adkeyneynaa – sida aan u sheegnay dhex-dhexaadiyeyaasha inay lagama maarmaan tahay in meydka shahiid Khader Adnan lagu soo wareejiyo qoyskiisa,” ayuu Haniyeh ku yiri bayaan.

Adnan, oo ahaa 45 jir ka yimid magaalada Jenin ee Daanta Galbeed ee la haysto, ayaa dhintay Talaadadii kadib 87 maalmood oo uu cuntada ka soomanaa kadib markii Israel ay u xirtay xiriirkiisa Islamic Jihad.

AFP

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker