Xeebaha Tunisia oo laga helay meydadka 210 tahriibayaal ah

Ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Tunisia ayaa sheegay in ay heleen ku dhawaad 210 qof oo tahriibayaal ah oo ku soo caaryey xeebaha dalkaas, xilli ay sii kordhayaan dadka tahriibayaasha ah ee marinkaas isticmaala.

Baadhitaano hordhac ah oo lagu sameeyay meydadka la helay ayaa muujinaya in muhaajiriintani ay ka yimaadeen dalalka Saxaraha ka hooseeya, sida uu sheegay Houssemeddine Jebabli oo ka tirsan ciidanka Ilaalada Qaranka.

Meydadka tahriibayaashan ayaa la helayey muddo 10 maalmood ah oo ka soo bilaabantay 18-kii April, illaa 70 ka mida meydadkaas ayaa laga soo saaray xeebaha dhinaca bari ee dalkaas, sida uu sheegay xeer ilaaliye Fawzi Masmoudi oo dusha kala socda arrimaha tahriibka.

Sfax, Kerkennah iyo Mahdia ayaa ka mida goobaha ugu badan ee ay tahriibayaashu u isticmaalaan inay ka abaabulaan safarkooda tahriibka ee ay ku gelayaan dalka Talyaaniga.

Tirada dhimashada sii kordhaysa ee muhaajiriinta dhintay ayaa buux dhaafiyey qolalka meydka ee isbitaalka Habib Bourguiba ee ku yaalla Sfax, kaas oo hore loogu qorsheeyey in qolalkiisa meydka la dhigi karo 30 illaa 40 meyd ah.

AP

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker