Xiisadda Suudaan: Duqeymo cirka ah oo ka socda Khartuum iyadoo xabbad joojintii ay dhicisowday

Waxaa sii xoogeystay dagaalka ka socda magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan.

Waxaa burburtay xabad joojintii ugu dambeysay ee la doonayay in dadka ayu saamaxdo inay si nabad ah uga baxaan goobaha ay colaaddu ka jirto.

Maanta oo Axad ah, ayay ciidamada militariga waxey sheegeen in magaalada ay ka weerareen jiho kasta, gaar ahaan weerarro cirka ah iyo madaafiic culus, si ay halkaas uga saaraan kooxaha ka soo horjeeda.

Xabbad-joojintii u dambaysay ayaa waxay ku ekayd goor dambe oo maanta oo Axad ah.

Malaayiin qof ayaa weli ku xayiran magaalada caasimadda u ah dalka Sudan, halkaasoo kaydka cuntadu uu gabaabsi yahay.

Wadamada shisheeye, ayaa dadkooda ka daad gureynayay, iyadoo fowdadu ay wali sii socoto.

In ka badan 500 oo qof, ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay tan iyo markii uu qarxay 15-kii bishan Abriil dagaalka u dhexeeya ciidanka dowladda, iyo kuwa Taageerada degdega ah (RSF).

Laakiin tirada dhimashada iyo dhaawaca ,ayaa laga yaabaa inay intaas ka badan tahay.

Taliyaha ciidamada Gen Cabdulfataax Fattah al-Burhan iyo madaxa RSF Gen Maxamed Xamdan Dagalo, oo loo yaqaano Hemedi, ayaa ku loolamaya awoodda – waxayna si gaar ah isugu khilaafsan yihiin qorshaha RSF looggu darayo ciidanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker