Walxo kiimiko ah oo ay dad ugu dhinteen dalka Hindiya

Ugu yaraan 11 qof ayaa dhintay, ka dib markii uu neefaha gaas ay ka soo baxeen halkii ay ku kaydsanaayeen waqooyiga Hindiya.

Haween iyo carruur, ayaa ka mid ah dadka ku dhintay magaalada dekedda leh ee Ludhiana ee gobolka Punjab. Dhowr qof ayaa laga helay guryahooda iyagoo miyir daboolmay.

Goobta ayaa la xiray, waxaana laga daad gureeyay dadkii deganaa agagaarka uu shilku ka dhacay, ka gadaal markii dad badan ay sheegeen in neefsashada ay ku adkaatay.

Afar ruux, ayaa lagu daweynayaa isbitaalka. Ilaa hadda ma cadda halka uu kasoo baxay ama kasoo daatay Gaaskani. Mid ka mid ah saraakiisha, ayaa soo jeediyay in laga yaabo in gaasku kasoo baxay godad dhulka hoostiisa ah.

Wakaalada wararka ee PTI, ayaa ka soo xigatay guddoomiye ku xigeenka Ludhiana Surabhi Malik in ay tiri: “Waxa aanu ka soo ururin doonaa haraadigii waxyaabihii ka haray gaaska godadka, waxay u badan tahay in qaar kamid ah kiimikooyinka ay la falgaleen maadada kale ee kiimikada ee methane ee ku jiray godad biyoodka.”

Rajinder Pal Kaur Chhina, oo ah xildhibaan maxali ah, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in shilkan uu ka dhacay meel u dhow dukaan lagu iibiyo caanaha.

“Dadka u yimid inay iibsadaan caano subaxdii, hawo ayaa qaadey, oo waxay ku dhaceen dibadda,” ayay tiri.

Koox ka socota Ciidanka Qaranka ee Ka-hortagga Masiibooyinka, ayaa loo diray goobta, oo ku taalla aagga Giaspura ee Ludhiana. Waxaa ku dhow goobtani warshado.

In ay kasoo baxaan gaasaska aamburkii, ama daboolkii ay ku jireen dalka Hindiya kama ahan wax dhif ah, oo way dhacaan.

Saddex sano ka hor gaas ka soo daatay warshad kiimiko ah, ayaa ugu yaraan 12 qof ku dishay magaalada Visakhapatnam, ee gobolka Andhra Pradesh.

Sannadkii 1984-kii kiimiko ka daatay warshad sunta cayayaanka lagu dilo oo ku taal bartamaha magaalada Bhopal, ayaa waxa ku dhintay kumannaan qof, taasoo la aqoonsan yahay inay ahayd musiibadii ugu xumayd ee xagga warshadaha ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker