Golaha Shacabka oo ansixiyey hindise sharciyeedka la-dagaallanka argagixisada

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta meel-mariyey Hindisa Sharciyeedka La-dagaallanka Argagixisada, oo muddo horyaallay golaha.

Sharciga ayaa waxaa u codeysay 133 xildhibaan, waxaa ka aamustay 7 xildhibaan, waxaa diiday 3 xildhibaan. Kulanka ayaa waxaa xaadiray 143 mudane.

Wasiiru dowlaha amniga gudaha xildhibaan Maxamed Cali Xagaa ayaa bogaadiyey meel-marinta sharcigan, wuxuuna sheegay inuu muhiim u yahay “ka hortagga iyo dabar-goynta argagixisada.”

Waxaa sidoo kale ansixinta sharcigan bogaadiyey taliyaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA), Mahad Salaad.

“Sharcigan waxa uu laf-dhabar u yahay dagaalka aan kula jirno argagixisada, waxa uuna kusoo beegmay xilligii aan ugu baahida badnayn si aan u gudanno waajibaadka naga saaran ka-hortagga Khawaarijta iyo ciribtirka fal-dambiyeedyada la xiriira argagixisada,” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraal lasoo dhigay bogga twitter-ka ee NISA.

Mahad Salaad ayaa sidoo kale ka codsaday xildhibaannada Aqalka Sare inay ansixiyaan sharcigan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker