Suxufi Turki ah oo xabsiga looggu taxaabay warbixino la xidhiidha dhulgariirkii dhacay

Wariyaha madaxa banaan ee Mir Ali Koçer, ayaa ayaa kusugnaa goob 200 mayl u jirta xudunta dhexe dhul gariirka, markii dalka Turkiga ay masiibadaasi ku habsatay dad badan, ayna ku dhinteen 6-dii Febraayo ee sanadkan.

Isagoo qaatay agabkiisi kala duwanaa, ayuu afka aadiyay gobolka ay dhibaatadu ka dhacday, si uu u wareysto kuwa ka badbaaday masiibada Dhul Gariirka.

Waxa uu bartiisa Twitter-ka kula wadaagay dadka sheekooyin ku saabsan badbaadin iyo samata bixin, waxaana hadda lagu wadaa baaritaan lagu tuhmayo in uu faafiyay “warar been abuur ah”.

Haddii lagu helo inuu faafiyey warar been abuur ah, ayaa waxaa uu ku muteysan karaa xukun illaa saddex sano oo xarig ah.

Waa mid kamid ah ugu yaraan afar wariye oo loo baarayo inay tebiyeen, ama wax ka sheegeen dhulgariirka.

Kooxaha u dooda xoriyada saxaafada ,ayaa sheegay in tobanaan kale la xiray, la dhibaateeyay ama laga hor istaagay inay war tabiyaan.

Ugu yaraan 50,000 oo qof, ayaa ku dhintay dhulgariirrada ku dhuftay labada dal ee Turkiga iyo Suuriya.

Maamulka Turkiga, ayaan ka hadlin xariga wariyahan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker