Nin ku dilay xaaskiisa iyo dad kalaba Mareykanka

Nin ku hubeysnaa saddex qori, ayaa toogasho ku dilay xaaskiisii ​​hore iyo shan qof oo kale, xilli uu weerar ka dhacay magaalo yar oo miyi ah, oo ku taalla gobolka Mississippi ee dalka Mareykanka, sida ay booliisku sheegeen.

Dhibanayaasha ayaa waxaa lagu dilay dhowr goobood, oo ay ku jiraan bakhaar iyo labo guri oo ku yaalla deegaanka Arkabutla, oo ah beel ay degan yihiin in ka yar 300 oo qof.

Booliiska ayaa nin 52 jir ah oo deegaanka ah ku soo oogay dacwad dil darajada koowaad ah, waxaa lagu hayaa xabsiga degmada.

Wali lama sheegin sababta ka danbeysa weerarka. Tuhmanaha ayaa la rumeysan yahay inuu ku kacay wax alle iyo wixii maskaxdiisa guracan ay fartay, ayuu yiri barasaabka Mississippi, ee Tate Reeves.

Dhacdadan ayaa bilaabatay markii ninka hubeysan uu galay goob lagu iibiyo shidaalka abbaare 11:00 xilliga maxalliga ah (17:00 GMT), uuna toogtay nin uusan wax xiriir ah la lahayn, ayuu yiri Sheriff Brad Lance.

Kadib waxa uu u weekday guri u dhawaa, halkaas oo uu si ba’an ugu toogtay xaaskiisii ​​hore, sida ay sheegtay warbaahinta CNN-ku, balse ma uusan toogan ninkii guursaday.

Baarayaasha ayaa sheegay in ninka hubeysan uu markaas kadib u kaxeystay gaarigiisii guri ku dhagan hoygiisa, waxaana uu si bareer ah u toogtay nin laga yaabo in uu adeer u ahaa, iyo sidoo kale haweeney aan magaceeda la shaacin, sida uu ku waramay wargeyska New York Times.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker