Dad ka bara kacay dagaalka Laascaanood oo u gudbay dalka Itoobiya

In ka badan 60,000 oo Soomaali ah, oo u badan haween iyo carruur, ayaa u qaxay Ismaamulka Soomaalida Itoobiya dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay, si ay uga baxsadaan iska horimaadyo iyo falal ammaan darro oo ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. In ka badan kala bar iyaga, ayaa yimid horraantii toddobaadkan.

Dadkani iyagoo daalan oo naxsan, ayay wax aad u yar la yimaadeen goobtii ay usoo qaxeen, kuwaasoo ah wixii ay qaadi karayeen oo keliya.

Haweenka ayaa u sheegay shaqaalaha UNHCR, Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay, in ay iibiyeen alaabtooda, si ay u bixiyaan kharashka gaadiidka, si ay u gaaraan goobaha badqabka leh.

Qaar badan oo iyaga ka mid ah waxay ku waayeen dad ay jeclaayeen isku dhacyada, ama waxay kala tageen markii ay soo amba baxeen.

Qoysasku ayaa waxay si ku meel gaar ah u degeen in ka badan 13 goobood, oo ka tirsan magaalooyinka Bookh, Galxamur iyo Danot Woredasiin, ee aagga Doolo ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Aag aad u fog oo joogitaanka bini’aadantinimo xaddidan yahay, bulshooyinka deegaanka ee Doollo, ayaa si deeqsinimo leh u soo dhaweeyay qaxootiga, iyaga oo la wadaagaya wixii agab ah ee ay haystaan.

Laakiin caawinta, ayaa si degdeg ah u sii yaraanaysa, iyadoo celcelis ahaan 1,000 qof ay u gudbayaan Itoobiya inteeda kale maalin waliba.

Qoxootigan ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay qaar ka mid ah deegaannada dalka Itoobiya, ee ay sida daran u saameysay abaarta iyo saameynta isbedelka cimilada, kaddib shan xilli oo roobaad oo xiriir ah oo aanu roob da’in, iyadoo badarka iyo waxa la heli karayo ay aad u yaraadeen.

Ikhtiyaarada xaddidan, qoysas badan oo qaxooti dhawaan yimid, ayaa maciin biday inay gabaad ka dhigtaan dugsiyada iyo dhismayaasha kale ee dadweynaha, halka kuwa kalena aysan haysan wax kale oo aan ahayn in ay bannaanka seexdaan.

Kuwo badan ayaa si degdeg ah ugu baahan taageero cunto iyo nafaqo kalaba, biyo iyo tas-hiilaad fayadhowr, iyo sidoo kale taageero gaar ah oo looggu talagalay dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Social embed from twitter

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker