Oodweyne News - Latest Somali News Update

Shirkadda Facebook Oo Khasaartay Mallaayiin Ka Mid Ah Macaamiisheeda

Warbixin dhawaan ay soo saartay shirkadda E-marketer ayaa waxa lagu cadeeyay in shirkadda Faceboook khasaartay kumanaan kun oo ka mid ah macaamiisha sida aadka ah ugu xidhan shirkadaasi.
Tirada Da’yarta isticmaasha Facebook ayaa waxay da’doodu u dhexaysaa 12 ilaa 17 waxaanay warbixintaasi cadaysay in 1.4 Milyan oo qof oo da’yar ahi ay sanadkani gudihiisa ka maarmeen isticmaalka adeegyada shirkada Facebook.
Shirkadda Facebook ayaa waxay sanadkani gudihiisa khasaartay ilaa 2.8 Milyan oo qof oo da’doodu ay ka hoosayso 25 jir kuwaasi oo isticmaali jiray adeegyada shirkadaasi.
Shirkadda Facebook ayaa haatan khasaaraysa macaamiil tiro badan waxaana la filayay in shirkadaasi ay tahay shirkada kaliya ee dadka adeegsadaa inay kor u sii kacaan mooyee aanay hoos u dhicin, dhinaca kale madaxda shirkada Facebook ayaan wali ka hadal sababta keentay mallaayiinta macaamiisha ah ee ay maalin walba khasaarayso.