Oodweyne News - Latest Somali News Update

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Wada Hadalada U Dhexeeya Ururka ONLF & Itoobiya

Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa maalintii Afaraad ka socda wada hadal u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo sidoo kale jabhadda ONLF.

 

 

 

Wada hadalkaan ayaa lagu doonayaa in lagu dhammeeyo khilaafka mudada soo socday ee labada dhinac ka dhaxeeya.

 

 

Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamed Cumar oo dhanka Itoobiya hoggaaminaya wada hadalladan ayaa sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabaan in wax walbo lagu dhammeeyo is faham buuxa.

 

 

 

Waxa uu sheegay Madaxweyne Cumar, iney jiraan waxyaabo badan oo hadda la isku fahmay, waxa harayna la dhammeyn doono.

Afhayeenka Ururka ONLF C/qaadir Xasan Hiirmooge ayaa sheegay inay jiraan qodobada qaar oo la isku fahmi la’yahay islamarkaana ay rajeynayaan in isfahan uu dhaco.

 

 

 

“Ma ahan markii ugu horreysay oo ONLF iyo Itoobiya ay wada hadalladan oo kale isugu yimaadaan, balse waxaan innagu go’aansanay in hab wada hadal ah lagu dhameeyo khilaafka muddada fog soo billowday.” ayuu yiri Hirmooge oo ah Afhayeenka ONLF.

 

 

 

Marka loo eego qaabka uu hadda wada hadalkan u socdo, waxa uu aad uga duwan yahay wada hadalladii hore ee Labada dhinac dhex mari jiray.

news-3