Oodweyne News - Latest Somali News Update

Dad baa lacag iyo qabiil nala hoos ordayee maxaan caddaalad samaynaa?!

Dad badan baa jecel inay wanaagsanaadaan oo sharaf iyo ammaano yeeshaan, dadkooda iyo dalkoodana ay si daacad ah ugu shaqeeyaan laakiin waxaa ka hortaagan labo arrimood oo kala ah:

 

 
1. Dad la hoos ordaya lacag fara badan oo ninkiiba indha sarcaadinaysa, lacagtaas oo ay ka xigto inuu saxiixo warqad yar oo dhibaysa dalka iyo dadkiisa ama dad gaara lugu dulminayo.

 

Khiyaanadaas inuu aqbalo waxaa u sii sahlaya madaxda ka sarraysa iyo kuwa la siman oo ay caado u tahay laaluushka iyo khiyaanadu, iyo isagii oo u baahan lacag uu doorashada soo socota isku rashaxo .

 

2. Dad qaraabadiisa ah oo ku riixaya inuu eex sameeyo ama wax xado ama khiyaano u bareero; si uu tolka wax u taro am uu jagadaan uga cooto maadaama aan la hubin inuu sii joogi doono, uuna u baahan lacag uu ku soo noqdo.

 

 

Gabagabadii waxaynu baadigoob ugu jirnay madax wanaagsan iyo garsoor caadil ah ee sidee wax inoo ku hagaagayaan haddii qabiil walba dadka ugu liita soo xulo, dadka wanaagsan ee siyaasadda iyo maamulka soo galana laaluuah iyo qabyaalad lugu harqiyo?. Soo xaalku noqon maayo ” Jugjug meeshaada joog”?.

 

 

 

Sh. Axmed Cabdisamad