Oodweyne News - Latest Somali News Update

Somalia Way Aqoonsatahay Somaliland Sababtu Maxaay Tahay?

Labaddii  Waddan ee Xoroowday  1960 waxaay Kala ahaayeen  Somaliland iyo Somalia.  Somaliland ayaa horaan xoroowday 26june 1960.  Somalia ayaa ku xigtay 1july
Waxaayna la’baxeen Jamhuuriyadda Soomaalida   (Somali republic).
Muddo 30 Soddon  Sanno ah ayay ku Midaysnaayeen dowlada mid ah,Calan mid ah, Madaxweyne mid ah, iyo Lacag mid ah
Soddonkii Sanno ee dowladda Soomaaliyeed jirtay toban ka mid ah waxaa socday dagaal u dhaxeeya  koonfur iyo waqooyi  gaar ahaan jabhaddii Xaq u dirirka SNM iyo  Xukuumaddii Kacaankii hagardaamo
Halgankaas oo dadka reer waqooyiga ugu kacay  Naf iyo Maal aan la soo koobi karin
Sidookale Xukuumaddii Kacaankii hagardaamo waxay ku wayday cududii militeri  taas oo keen tay in ay meesha ka baxdo ugu danbayn
Haddaba Somaliland waxay xoriyadeedii Luntay la soo noqotay  1991 shirkii Burco ee beelaha waqooyi
Waxayne isku raceen in ay la soo noqdaan dowladii Lixdankii ay Xamar geeyeen  waxaana la soo celiyay magacii hore ee Somaliland.
In kastoo ayna Somaliland aqoonsi buuxa caalamka ka helin haddana waxaay noqotay mucjiso ka soo baxday geeska afrika  marka la eeggo nabadda,Dowladnimada shaqaysa, iyo dib u dhiska dalkeedii burburay.
Dhankooda walaalaha  Somalia waxaa gacantooda ka baxay talladoodii iyo masiirkii ay dhaxalka u lahaayeen  Waxaana gacanta ku dhigay walina ku haya masiirkii iyo  mustaqbalkii  Somalia  oo hantiyay dowladdo shisheeye.
Waxaana  Dalka dibadiisa   iyo gudihiisaba  lagu soo yagleelay dowlado gacan ku rimisa ah  oo ay  waardiyeeyaan ciidan shisheeye.
Dowladdaha  taagta daran ee Magaalada  Muqdisho ku  Saqiira waxaa gacanta ku haya dowladdo shisheeye  dhaqaala ahaan,siyaasad ahaan iyo amni ahaanba.
Sidookale Somalia waxaay si dadban u aqoonsi satay Somaliland  Sababtoo ah waxaa meesha ka baxay wax kasta oo lagu Midaysnaa sida  dastuurkii lixdankii iyo magacii  Jamhuuriyadda Soomaalida. (Somali republic)
Inkastoo dadka reer waqooyiga  diideen dastuurkii  lixdankii  haddana  Waa wax keliya ee reer  koonfureedku ku  doodaan in u yahay  xajada isu haysa  Waxa loogu yeedho  Midnimadda  Soomaalinimada
Dastuurkaas oo  hadda meesha ka  baxay.
Waxayna somalia labaxday  dowladda Faderaalka somalia oo ka Kooban  lix dowlad goboleed oo ku jira xuduudii somalia Italian lixdankii. Wana puntland,jubaland,galmudug,hirshabeele,koonfur galbeed iyo dowladda dhexe ee Muqdisho.
Sidookale Nidaamka Faderaalka ah waxaa loo sameeyaa dadyoow ku Kala duwan dhaqanka,diinta,luuqada iyo isirka.
 Haddaba waxaa halkaa ka soo baxaysa   micnaha Faderaalka ee ay macaansadaan siyaasiyiinta  Somalia
Oo ayna fahan sanayn  cida Faderaal loo sameeyo.
  cabdixaafidm2016@gmail