Oodweyne News - Latest Somali News Update

Wasiirka Tamarta Iyo Biyaha Dawlad Goboleedka Hirshabeele Ee Wadanka Soomaliya Ayaa Tacsi Tiiraanyo Leh U Diray Qoyska iyo Asxaabta Uu Ka Baxay Marxuum Xasan Jaamac Caabi

Wasiirka Tamarta Iyo Biyaha Dawlad Goboleedka Hirshabeele Ee Wadanka Soomaliya Ayaa Tacsi Tiiraanyo Leh U Diray Qoyska iyo Asxaabta Uu Ka Baxay Marxuum Xasan Jaamac Caabi

A32CC074-01BD-48AB-B048-68A91B70E09F

Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Maamul-goboleedka Hir-shabeele ee wadanka Soomaaliya Mudane Axmed Muuse Xuseen ayaa Tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska iyo asxaabta uu ka Baxay Marxuum Xasan Jaamac Caabi oo ku geeriyooday habeen hore magaaladda hargaysa ee caasimada Somaliland, marxuumku waxa uu ka tirsanaa farsamayaqaanada ruugcadaaga ah ee ka hawl-gali jiray Warbaahinta qaranka jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan waaxda farsamadda ee idaacada Radio Hargaysa.
Qoraal kooban oo ay shabakada wararka ee Guuguule ka heshay Wasiirka ayaa waxa uu u dhignaa sidan;- Waxan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyska, Qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bahda warfaafinta Somaliland oo uu ka maxay Marxuum Xasan Jaamac Caabi oo ahaa halyey ku suntanaa habsami u socodka shaqada ee Radio Hargaysa, waxan marxuumka illaahay uga baryayaa in uu jano fardawsa ugu deeqo, inagana Samir iyo iimaan saadiq ah inaga wada siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin