Oodweyne News - Latest Somali News Update

Lacagaha Xukuumadii SIILAANYO Lunsatay Ay Deeq Bixiyayaashu Ugu Deeqeen Biyo La, aanta Baahsan Ee Ka Jira Hargeya

Lacag dhan $153.5 Million Doollar oo loogu tabarucay ambaqaadka illaa dhamaystirka mashruuca biyo gelinta iyo ballaadhinta Magaaladda Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa haatan xukuumadda Jaagaantu Muuse Biixi ku dhawaaqday in uu fashilmay mashruucaasi oo soo socday tan iyo sannadkii 2011!.

 

 

Lacagihii ku baxay mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa iyo qaadhaan-bixiyaasha bixiyay:-

1- Dawladda imaaraadka carabta, waxay ku deeqday $30 Million

2- Midawga Yurub (EU) ayaa dawladda Somaliland ugu deeqay $27.5 Million si loogu balaadhiyo 4 Magaalo oo Caasimadu ku jirto.

3- Isla sannadkii 2011 Midowga Yurub (EU) waxay Somaliland ugu deeqday $64 Million oo loo qoondeeyay 9 Mashruuc oo ka ugu badan ahaa biyo-ballaadhinta Caasimadda oo dhan $8.5 Million dollar.

4- Qorshaha horumarinta Qaranka (SDF) waxa loo qoondeeyay 2012-2016 mashruuca biyo-ballaadhinta $28 Million oo dollar.

5- Dawladda Jarmalku waxa iyadana fidinta Biyaha Hargeysa ugu deeqday $23 Million oo dollar.

6- Shirkadda Coca-Colla ayaa iyaduna ugu deeqday $5 Million oo dollar biyo ballaadhinta Hargeysa.

7- Baanka Adduunku (WP) isna wuxuu ku deeqay lacag dhan $6 Million oo dollar.

8- Sanduuqa Horumarinta (SDF) ayaa haddana loogu soo shubay biyo fidinta Hargeysa lacag dhan $10.5 Million dollar.

9- Mar saddexaad waxa ay Midawga yurub (EU) ku yabooheen lacag dhan 15$ Million oo lagu dhamaystirayo mashruuca biyo gelinta Magaalada Hargeysa.

@ Yahye Xanas

 

????????????????????????????????????

Madaxwaynihii Dalka Boobay ee Axmed siilaanyo oo  Xumbo Wayne Dhagax Dhigaya