Oodweyne News - Latest Somali News Update

Kafadhigii 15aad ee Golaha Deegaanka Degmada Sallaxlay Oo la Soo Gaba-gabeeyey laguna Ansixiyey Miisaaniyada Sanadkan.

Sallaxlay(OWN)- Waxaa Maanta si  Rasmi ah loo soo Gaba-gabeeyey Kafadhigii 15aad ee Golaha Deegaanka Degmada Sallaxlay oo 10 Bishan ka Furmay Hoolka Shirarka Xarunta Dowlada Hoose ee Salaxlay.

Kalfadhigan oo Shir-gudoominayay Maayorka Degmada Sallaxlay  ismaaciil Yuusuf Xuseen Shiine ayaa waxaa ka soo xaadiray 13 Xildhibaan.


Kalfadhigan ayaa intii uu socday  waxaa lagu Ansixiyey Miisaaniyada Sanadkan oo Dhan Hal Bilyan iyo Todoba Boqol oo Kun  Oo Milyan oo Shiling Somaliland Ah.