Oodweyne News - Latest Somali News Update

Jeegaanta oo Bakhaaro ka furatay Dubai, SACAD Investment Company.

Siyaasadii arimaha dibada ee Somaliland oo isku badashay meel noqotay ganacsi iyo shaxaad lagu tuugsado beesha caalamka deeqaha banii aadanimona la weecsado . Dalkan way u dhamaatay ,Sixir-barar,musuq-maasuq,boobka cashuurtii dalka oo dalka dibadiisa lagaga furto bakhaaro ganacsi, Waa doqoniimo iyo sumcad xumo in dad loo igmaday siyaasad ay dano shaqsi iyo shirkado isku magacaabaan .

Sacad Investment Company ayaa loogu magacdaray meel Bakhaar ah oo laga diwaan galiyay rugta Ganacsiga iyo Maal-gashiga ee Imaaraatka Carabta , waxaana iska leh Jeegaanta oo doonaysa in ay ku boobto mucaawinooyinka iyo deeqaha lagusoo qaado magaca reer Somaliland.

Wasiirka Arimaha dibada halkii laga sugaayay inuu dalka u raadiyo Ictiraaf ayuu ka doortay ganacsi iyo qarafo uu ka tuugsanaayo Carabta . Qalad weyn ayay galeen shacabka reer Somaliland Marka hore ee dalkan lagu aaminay masiirka dalka qaar aan siyaasad waxba ka aqoon , maxaa yeelay dadkan hido u ma laha siyaasada lkn waxay hibo u leeyihiin ganacsiga iyo sida looga shaqeeyo bkhaarada wax soo dejiya.

 

 

 

Mahamed Abdirahman