Oodweyne News - Latest Somali News Update

Musharax Md. Ismaaciil Muuse Sheekh Aadan (Ismaaciil Dhako) Oo Maanta Kaga dhawaaqay Hargeysa Inuu U Sharaxanyey Doorashada Golaha Deegaanka Ee 2019

Musharax Md. Ismaaciil Muuse Sheekh Aadan (Ismaaciil Dhako) Oo Maanta Kaga dhawaaqay Hargeysa Inuu U Sharaxanyey Doorashada Golaha Deegaanka Ee 2019

7C0723F1-61FF-4816-8EB2-999EBB67B0EC

Musharaxa Golaha Deegaanka ee Doorashada 2019 Md. Ismaaciil Muuse Sheekh Aadan ayaa maanta Hargeysa kaga dhawaaqay inuu u taagan yahay Doorashada Golaha Deegaanka ee inu soo fooda leh .
Ismaaciil Muuse Sheekh Aadan oo ah khabiir mudo dheer kasoo hawl-galaayey Dawladda Hoose Hargeisa isla markaana Waayo aragnimo balaadhan u leh habka iyo hanaanka shaqada dawlada hoose ee Hargeysa ayaa kamida haldoorka bulshada Caasimada Hargeysi aadka u qiimeeyaan uguna tixgaliyaan Sharafta iyo Karaamada baaxada leh ee uu ka kasbaday mudadii dheerayd ee uu kasoo hawlgalaayey Xarunta Dawlada hoose ee Hargeysa.
Md. Ismaaciil Muuse Sheekh Aadan ayaa Gudoomiye kasoo noqday dhamaan Sideeda degmo ee magaalada Hargeysa ka kooban tahay isagoo isla markaasina kasoo qabtay waxqabad muuqda oo la taaban karo. Taasi oo sababta taageerada muga leh ee uu ka kasbaday dhamaan bulshada sideeda degmo ee Caasimada Hargeysa oo si weyn usoo dhawaysay Musharaxnimada Md. Ismaaciil Muuse Sheekh Aadan.

Guntii iyo Gunaanadkii Guul ayaan u rajaynaynaa Musharax Md. Ismaaciil Muuse Sheekh Aadan (Ismaaciil Dhako)
Cabdixakiim Cismaan Daahir