Oodweyne News - Latest Somali News Update

Nin Somali Ah Oo Lagu Dilay dalka Canada Kadibna Meydkiisa Laga Helay Gaadhi Dhexdiisa

OTTAWA(OWN)- Nin Dhalinyaro Somali ah  ayaa lagu dilay Magaalada Ottawa ee dalka Canada, Ninkan  ayaa  maydkiisa ka heleen Booliska isaga oo gaadhi lagu dhex dilay.

 

Booliska ayaa magaca Ninkan  ku sheegay Cigaal Daa’uud oo 30 jir ah,waxaana ay sheegeen in ay wadaan baadhitaano la xidhiidha  dilkiisa.

 

 

Booliska waxa ay sheegeen in maydka Marxuumkan  in ka badan 24 saac dhex yaallay gaadhi  Parkinka ku jiray ee lagu dhex dilay iyada oo aan illaa hadda la ogeyn cidda dishay.

 

 

Laanta Dambi Baarista ee Magaalada Ottawa ayaa sheegtay in baadhitaan lagu haayo meydkan iyada oo sidoo kalena lagu daba jiro qolada dishay Marxuumkan  Soomaaliga ah.

 

 

Boolisku waxaa ay sheegeen in illaa hadda aaanay  kala garanayn  in  marxuumka rasaasta lagula dhuftay isla goobta iyo in inta meel kale lagu soo dilay kaddibna gaadhiga lagu geeyay goobta laga helay ee Gaadiidka la dhigto.

 

 

Dalka Canada ayaa ka mid ah dalalka sida wayn loogu dilo muwaadiniinta Somaliyed ee ku nool dalkaasi, baadhitaanada Booliska ay sameeyaan ayaanan badanaa wax natiijo ah ka soo bixin.

 

Oodweynenews Newsroom