Oodweyne News - Latest Somali News Update

Dad Loo Xidh-xidhay Ka Ganacsiga Iyo Iibka Xayawaanka Diinka

Illaa 9 qof ayaa lagu xidhay magaalada Hargaysa kadib markii lagu tuhmay in ay ugaadhsanayeen, islamarkaasna ka ganacsanayeen xayawaanka diinka.

 

Diinka oo aanan lahayn cago uu kaga baxsado dadka ayaa dhawaanahan waxaa lagu hayay ugaadhsi ba’an kadib markii sida la sheegay loo heley suuq.

 

 

Wasiirka horumarinta deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil ayaa wariyeyaasha u sheegtey in ay soo badbaadiyeen 6 diin ah oo qaarkood aad u culusyihiin, kuwaas oo hadda lagu xanaanaynayo gudaha wasaaradda.

 

Somaliland ayaa horey u mamnuucday ka ganacsiga diinka iyo ugaadhsigiisaba.

 

Diin

 

Wasiir Shukri Baandare ayaa tidhi “Markasta oo uu weynyahay diinka, waa markasta oo sii qiimo badanyahay, waxaan fahamsanahay in ay adduunkan jiraan dad cuna diinka, raha iyo masaska”.

 

Diinka ayaa waxa uu ka mid yahay xayawaanada adduunka kasii dabar go’aya.