Oodweyne News - Latest Somali News Update

Hogaanka Xisbiga Talada Haya Ee Dalka Koonfur Afrika Ee ANC Oo Yeeshay Kulamo Lagaga Tashanayo Madaxweyne Zuma

Saraakiisha sarsare ee xisbiga talada haya ee dalka Koonfur Afrika ee ANC ayaa leh kulan saacado qaatay si ay isugu dayaan in ay go’aan ka gaaraan mustaqbalka madaxwayne Jacob Zuma.

Fall

Waxaa la filayaa in saraakiisha ANC ay Zuma ka dalban doonaan in uu iscasilo.Madaxwaynaha Koonfur Afrika Mr Jacob Zuma ayaa wajahaya dacwado la xiriira musuqmaasuq.Mr Zuma ayaa horey dhagaha uga fureystay baaqyada ku aadan in uu iscasilo.

Maalintii axadda ayaa hogaamiyaha cusub ee xisbiga ANC Cyril Ramaphosa waxa uu sheegay in arrintan Zuma go’aan looga gaari doono kulanka xisbiga.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku baaqaya in sida ugu dhaqsiyaha badan uu xilka uga dago.