Oodweyne News - Latest Somali News Update

Mas’uuliyad Darada Wasiir Sacad Iyo Wasiir Hinda Jaamac Oo Isku Riix-riixay Cidda Ka Masuul Ah Dhallinyarada Askarta Dalka Qadar Qoranayso

Mas’uuliyad Darada Wasiir Sacad Iyo Wasiir Hinda Jaamac Oo Isku Riix-riixay Cidda Iska Leh Dhallinyarada Reer Somaliland Ee Askarta Dalka Qadar Qoranayso.

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi ayaa sheegtay in aanay ka wasaarad ahaan wax lug ah ku lahayn Da,yarta waddanka ee Ciidamada Qadar loo qaadanayo waxaanay sheegtay in howshaasi ay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu Leedahay.

Shalay ayay ahayd markii uu wasiirkii arrimaha dibedda ee Somaliland Dr.Sacad Cali Shire uu sheegey in ay ka mas’uul tahay wassaaradda Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta iyo Arrimaha Bulshada Somaliland.